Thursday, June 11, 2015

Taliyaha Socdaalka Somaliland oo goobjoog ka noqday qaabilaada qaxoonti soo gaadhay Somaliland caawa

Faahfaahinta guud oo laga bixin doono berri qaxootiga soo gaadhay dalka
Berbera (Himilo)-Taliyaha Ciidanka Socdaalka Somaliland G/S Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro) ayaa goob joog ka noqday nidaamka hubinta qaxoontiga ka soo laabanaya dagaalada dalka Yemen oo caawa soo gaadhay dekeda magaalada Berbera.
CambaroMarkab magaciisa la yidhaahdo Nova 1 oo siday qaxoonti tiradoodu gaadhayso 119 ka soo qaxay dagaalada ka socda dalka Yemen ayaa caawa soo gaadhay dekedda Berbera.
Taliyaha Socdaalka G/S Maxamed Cali, oo wehelinayaan saraakiil ka tirsan ciidanka Socdaalka oo galabta gaadhay magaalada Berbera ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisu la xidhiidho xog-ogaal u noqoshada qaxootiga ku soo laabanaya dalka, iyo hawlaha hay’adaha kala duwan ee qaabilsani fulinayaan, sida hubinta waraaqahooda socdaal oo ciidanka laanta Socdaalka Somaliland qaabilsan yahay.
“Caawa waxa dekeda Berbera soo gaadhay qaxooti tiradoodu gaadhayso 119 qof oo ku jiraan carruur gaadhayso 30.”
“Ujeedada socdaalkayga oo qaadan doonta laba maalmood ayaa la xidhiidha u kuurgalka sida hawlaha hubinta qaxootiga iyo hawlaha kale la xidhiidha soo dhoweyntoodu, u socdaan.”
Qaxootiga caawa soo gaadhay magaalada oo la socday Nova 1 ayaa u dhashay dalka Yemen tiradoodu lagu sheegay 77 qof, halka inta soo hadhay isugu jiraan qaxooti u dhashay dalka Soomaaliya iyo kuwo muwaadiniin reer Somaliland ah.
Guud ahaan tirada qaxootiga soo gaadhay Somaliland ayaa la sheegayaa inay gaadhayso ku dhowaan labaatan kun oo isugu jira qaar u dhashay Soomaaliya, Yemen, Itoobiya, iyo muwaadiniin Somaliland ah.
Qaxootigan oo lakala socday doonyo iyo maraakiib kala ah nova 1, nova 2 nasrulah, suldan, nasri-islam, mubaarik, alsafa, ismaaciliya, isla markaana intii badan qaxootiga ka soo jeeday Soomaaliya loo gudbiyey deegaanadii ay ka soo jeedeen, ayuu Taliyaha Ciidanka Socdaalka Somaliland G/S Maxamed Cali sheegay inay Jimcaha berri faahfaahin dheeraad ah ka bixin doontaan guud ahaan xaaladaha qaxootigii magangelyada u soo doontay Somaliland, inta loo gudbiyey Soomaaliya, inta joogta dalka.

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment