Sunday, June 14, 2015

Taliye Shaqalle oo ka warbixiyey Kormeer uu ku tagay Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Sool iyo wixii la kulmay

Laascaanood, 14 June, 2015 (Himilo)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeya Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan Shaqalle oo ay weheliyaan saraakiil sare-sare oo ka tirsan Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, ayaa kormeer ku maray fadhiisimada ciidanka Qaranku ku leeyahay jiidaha hore ee Bariga gobolka Sool.

Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqalle oo socdaalkiisa ku tagay gobolka Sool Sabtidii, waxa uu kormeer ku maray fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Gambadha iyo Tukaraq oo dhinaca Bari kaga beegan Xarunta gobolka Sool, halkaas oo maalmihii u dambeeyey laga dareemayey dhaq-dhaqaaqyo Milatari oo maamulka goboleedka Puntland ka waday deegaannadaas oo uu soo dhoobay ciidamo.

Taliye Shaqalle oo markii uu soo dhammeeyey kormeerkiisa ku soo laabtay magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, waxa uu saxaafadda uga warbixiyey ujeeddada uu daarran yahay kormeerkiisa iyo waxyaabaha uu kala soo kulmay.

“Waxaan gobolka Sool u imi kormeer ka mid ah kuwii caadiga ahaa ee aan awalba u iman jiray, ujeedduna ahayd inaanu ciidanka Qaranka cutubyadiisa kala duwan aan ku soo kormeerno saldhigyada uu deggen yahay, hawshaasi si fiican bay noogu dhacday. Waxaanu soo booqannay dhammaan, waxaanu soo aragnay dhul barwaaqaysan oo xoolihii la dhaqanayey iyo dadkiiba aad u qurux badan yahay, nabadgelyaduna aad u wanaagsan tahay,” Sidaas ayuu yidhi taliye Ismaaciil Cismaan Shaqalle.

Isaga oo Taliyuhu hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Ciidamada Qaranka Saldhigyada gobolka Sool, waxaan ku hambalyeynayaa hawshaa ay qaranka u hayaan sida wanaagsan ee xilkastanimada leh ee ay u gudanayaan, waxaanan u soo jeedinayaa inay ka sii kordhiyaan feejignaanta iyo siday shacabkooda ugu adeegayaanba,” ayuu yidhi Sarreeye Gaas Ismaaciil Cismaan Maxamed.

Booqashada taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka, ayaa qayb ka ah hawl-gallo ciidamadu ugu diyaar-garoobayaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo maamul-goboleedka Puntland ka wado deegaannada ku teedsan xuduudka Somaliland la wadaagto Soomaaliya.

Ciidamo ururis ah oo maamulka Puntland isugu keentay meel u dhow tuulada Tukarag, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii bilaabay inay hub ku soo tuurtuuraan ciidamada qaranka Somaliland, kaas oo ciidankuna kaa jawaabeen, in kasta oo xaaladdu deggenayn ilaa shalay.

Himilomedia

Hargeysa

 

No comments:

Post a Comment