Sunday, June 21, 2015
Warbixin Lagu Shaaciyey Tirada Dadka Ay Caalamka Ku Dileen Ururrada Daacish Iyo Boko Xaaraam Sannadkii Tegay.
Washington, 21 June, 2015 (Himilo)- Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, ayaa lagu sheegay tirada dadka ku dhintay weerarradii ka dhacay Caalamka sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-ka oo keliya ee ay geysteen Ururrada Daacish iyo Boko Xaaraam.
Ururrada Dacish iyo Boko Xaraam, ayaa Warbixinta lagu Shaaciyay in ay sare u qaadeen weerarradooda sannadkii tagay ee 2014-kii iyo sannadkii ka horreeyay ee 2013-ka, kuwaasoo lagu dilay dad u badan Shicib.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa Warbixinteeda ku sheegtay in sannadkii lasoo dhaafay oo keliya lagu dilay weerarrada ay kooxaha xagjiriinta ahi geysayaan 32,727,000 oo qof, laguna dhaawaacay 13,500,000. Waxaana lagu xusay Warbixinta in meelo kala duwan oo caalamka ay ka dhaceen weerarradan.
Tiradan ayaa ah mid aad uga badan tirada dadkii ku dhintay Weerarradii Sannadkii 2013-ka ka dhacay caalamka lagu dilay, laakiin Sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ka digtay in tiradu intaasi ay ka badan karto.
Dadka ugu badan ee ku dhintay weerarradan argaggixiso, ayaa la sheegay inay ku noolaayeen dalalka Ciraaq, Suuriya, Nigeria iyo Afgaanistaan oo ay Wasaaraddu ku tilmaantay meelaha ugu khatarta badan caalamka.
Kooxaha Boko Haram iyo Daacish (ISIL), ayaa la sheegay inay yihiin kuwa Weerarradii ugu badbaa ee tiradan faraha badani ku geeriyoodeen geysta, iyadoo aan warbixinta laguba soo qaadin Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaallanta dalalka Soomaaliya iyo Kenya iyo khasaarihii ka dhashay weerarradii ay geystay sannadkii hore labadaas dal.
Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa sheegtay in Daacish ay ku xasuuqday 670-qof oo Maxaabiis Shiico ahaa Magaalada Muusil ee dalka Ciraaq, taasoo ah weerarkii ugu dhimashda badnaa ee caalamka oo dhan ka dhacay sannadkii lasoo dhaafay.
No comments:
Post a Comment