Dadweyne kala duwan oo mudooyinkii u dambeeyey u sugayey qaadashada fiisaha dalka Itoobiya oo cabasho u tegay wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa masuuliyiinta wasaaradu u sheegeen inaan la joojin fiisayaashii ay safaarada Itoobiya ee Hargeysa bixin jirtay, balse uu dhamaaday intii hore ay hayeen, kuwo cusubna ilaa manta la filayo inay yimaadaan.

“Runtii dalka Itoobiya waa wadanka keliya ee safaarad ku leh dalkeena, ee baasaboorka Somaliland fiise ku bixisa, waan ka wada hadalnay markii hakadka fiisayaashu timi, maaha arrin fiisayaashii safaaradu bixintoodii joojisay, balse waraaqahii fiisayaasha (stickers) ayaa kala go’ay, maalmahana way sugayeen kuwii cusbaa.”
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibedda ayaa sheegay inuu kala hadlay madaxda safaarada Itoobiya u qaabilsan fiisayaasha, hakadka ku yimi iyo baahida dadweynahu u qabaan helitaanka fiisayaasha loona baahn yahay in la dedejiyo, waxaanu yidhi,
“Waanu ka wada hadalnay madaxda qaabilsan fiisayaasha safaarada Itoobiya, runtii iaga qudhooda hagrasho kuma jirto, waa nidaam dawli ah, kaasina wuu leeyahay dib-udhiciisa, marka hay’ado wax kala dalbanayaan ilaa Addis ababa, dib u dhac wuu ku imanayaa,”
Dhinaca kale, ilo u dhowdhow safaarada Itoobiya ayaa u xaqiijiyey wargeyska Himilo in waraaqahii fiisayaashii cusbaa (stickers) safaarada soo gaadheen gelinkii dambe shalay, lana filayo in bixintooda ay bilaabmato maanta.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment