“Wada-hadalka oo qaatay dhowr saacadood, waxa uu ku soo gebo-gaboobay is-faham laga gaadhay arrimihii lagu soo qaaday kulanka”
Hargeysa, 24 June, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Arrimahala Dibadda Somaliland, ayaa ka hadashay arrimaha lagaga hadlay Kulan magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo raysalwasaaraha dalka Itoobiya todobaadkan.
Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Axaddii socdaal laba maalmood qaatay ugu maqnaa Waddanka Itoobiya oo marti-qaad ay ka heleen raysalwasaaraha dalkaas, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, madaxweyne Siilaanyo-na kama hadal nuxurka uu kulankaasi daarranaa, marka laga yimaaddo inuu ahaa mid lagaga hadlay danaha labada waddan.
Haseyeeshee, qoraal kooban oo lagu faahfaahiyey nururka kulankaas iyo waxyaabaha lagaga hadlay oo lagu baahiyey bogga Internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay inay labada hoggaamiye ka wada-hadleen kor-u-qaadista dhinacyada Ganacsiga, ammaanka iyo xidhiidhka iskaashi ee labada dowladood.
War-qoraalka kooban ee Wasaaraddu kaga hadashay safarkii madaxweynaha ee Itoobiya, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayey waxay socdaal ku tageen dalka Itoobiya kaddib marti-qaad ay ka heleen raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Labada hoggaamiye waxay ka wada-xaajoodeen sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga, nabadgelyada iyo xidhiidhka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya labada waddan.
Wada-hadalka oo qaatay dhowr saacadood, waxa uu ku soo gebo-gaboobay is-faham laga gaadhay arrimihii lagu soo qaaday kulanka.
Madaxweyne Siilaanyo oo hadlay wuxuu sheegay inay Raysalwasaaraha Itoobiya ka wada-hadleen arrimo ay ka midaysan yihiin oo khuseeya, si midaysanna ay u danaynayaan labada waddan.
Madaxweynaha waxa kulana ku wehelinayey xubno ka tirsan golaha Wasiirrada oo ay ku jiraan Wasiirrada Madaxtooyada, Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda iyo sidoo kale Wakiilka Somaliland ee Itoobiya.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ay wasaaradda Arrimaha Dibaddu kaga hadlay nuxurka kulanka dhexmaray labada hoggaamiye.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment