Hargeysa, 10 June, 2015 (Himilo)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo socdaal ku jooga magaalada Brussels, ayaa kulan la qaatay masuuliyiin sare-sare oo ka tirsan Midowga Yurub.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, wasiir ku-xigeenka oo uu weheliyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Belgium Maxamed Cabdi Dacar, ayaa kulan la qaatay u-qaabilsanaha Arrimaha Afrika u qaabilsan Midowga Yurub iyo laba masuul oo sare-sare.
Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa u qornaa sidan:- “Wasiir-ku-xigeenka WArrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Mawliid Maxamuud Ibraahim ayaa la kulmay Agaasimaha qaabilsan arrimaha Afrika ee Xarunta Midawga Yurub Mudane Koen Versaek. Kulankan oo Wasiir-ku-xigeenka uu ku wehelinayay Safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Belgium Mudane Maxamed Cabdi Dacar halka dhinaca kale Agaasimaha Afrika ee Baarlamaanka Yurub ayla joogeen madaxda kala ah Dilarde Teilane oo qaabilsan Geeska iyo Bariga Afrika iyo Pauline Torehall oo qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiir-ku-xigeenka W/Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Mawliid Maxamuud Ibraahim ayaa ugu horayn uga mahadceliyay sida fiican ee Midawga Yurub uga taageero Somaliland dhinacyada dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka, mashaariicda waxqabad iyo horumar sida dhinaca biyaha, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), tababarada ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, Berbera Corridor iyo barmaamijyada ku jira qorshaha New Deal (Somaliland Arrangement) guud ahaan.
Wasiir-ku-xigeenku wuxu warbixin faahfaahsan ka siiyay Midawga Yurub xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, geedi socodka horumar ee waddanka, arrimaha doorashooyinka, kartida iyo garashada wanaagsan ee dadka reer Somaliland u leeyihiin xallinta khilaafaadkasta oo u yimaada iyo hannaanka ku dhisan ka wada hadalka arrimaha khuseeya, isu tanaasulka, is qancinta iyo ka wada shaqaynta danaha caamka ee dalka jamhuuriyadda Somaliland. Wasiir-ku-xigeenku wuxu u sheegay in ictiraaf ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha caalamka uu noqon lahaa mid waxweyn ka tara horumar buuxa iyo isku filaansho ay dadka reer Somaliland gaadhaan, isla markaana dan iyo maslaxadi ugu jirto deganaanshaha mandaqadda iyo horumarka gobolka guud ahaan.
Kulankaas oo qaatay muddo 45 daqiiqo ah ayaa ku soo xidhmay jawi is afgarad iyo is fahan buuxa leh oo masuuliyiinta Midawga Yurub waxbadan uga iftiimiyay arrimaha khuseeya Jamhuuriyadda Somaliland.”
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment