Sunday, June 21, 2015
‘Xadhigga xaq-darrada ah iyo Xabadda xukumaddu nagu laysay waxaan ku ilaabaynaa Xurmada aanu qaranka u hayno’Barkhad Jaamac.
Goor sheegtu waa 9:15pm, waxaan ka soo baxay Masjidka Sheikh Dirir Salaaddii Taraawixda habeen hore, waxaan ku si jeedaa gaadhigeyga oo ag yaal Baanka Dhexe, waxaa Mobile kayga ku soo dhacday fariin iga timid Liban Ismacil oo kamid ah saraakisha xuququl aadama qaranka, wuxuuna igu wargaliyey in xaafaddii Daami dhaawac badan yaalo oo xaaladu adag tahay.
Waxaan la xidhiidhay gudoomiyaha xaafada wuxuuna ii sheegay iney xaafaddu aad u kacsan tahay dhaawacna yihiin 3 qof oo xabadi ku dhacday!
Waxaan waydiiyey xalkee ayey dadka xabaddu ku dhacday la geeyey? Wuxu igu jawaabay saldhigga New Hargeysa.
Waxaan tagay Saldhiggii waxaanan kula kulmay Joornaatigii haystay askarta ama horjoogihii Askarta Saldhigga waxaanan waydiiyey dadkii dhaawaca ahaa iyo sababta loo geyn waayey dhakhtarka wuxuuna igu yidhi way yaalaan ee amar ayaan ku sii daynayaa aan ka helo taliyaha qeybta bariga iyo saraakiisha kale.
Waxaan ku idhi halkee ayey ku sugan yihiin iyagu hadda? Wuxu igu jawaabay Daami. Daami ayaan tagay waxaanan kula kulmay taliyihii qeybta bariga iyo saraakil la joogtey waxaanan u sheegay iney mihiim tahay dadkan dhiig baxay in la geeyo Hospital oo aniga la igu siiyo damaanad soona celiyo. Wuxu igu yidhi haye tag saldhigga ila soo hadashii horjoogaha ciidanka saldhiga waxaan ku soo laabtey saldhigii New Hargeysa. Markii aan ka soo galay albaabka oo aan dhaawicii is idhi qaad oo Hospitalka gee ayaa waxaa ku soo dhacay joornaatigi saldhiga joogay telfoon waxoogaa markii uu la hadlay ayuu siidhi afuufay askar badan ayaa soo yaacday wuxu amar ku siiyey in la isku kay jabiyo oo la i xidho!
Waxaa ii yimid markiiba gawaadhi qufulan waxaanay I geeyeen saldhigyo kala duwan akhirkina waxaa la igu xidhay saldhiga koodbuur iyadoo aad mooda iney soo qabteen qof dil geystay oo ciidamo badan igu geedaaman yihiin.
Waxaa la igu xidhay qol yar waxaana amar lagu siiyey askartii ilaalada aheyd inaan qof la i soo deynin, telefoon aanan ku hadli karin, cidna la hadli karin, sidoo kalena waxba la ii keeni Karin!
Waxaan sawiranayaa oo igu soo noq-noqonaya dhaawicii dhiig baxay ee saldhiga yaalay hantidii ku burburtey daami imadii hooyoyinka xaafada iwm.
Ku darso waxay naftu i leedahay waxan ma ugu haajirtaa dalka haddana waxaan sawiranayaa iney tahay siday doonayaan kuna kooban tahay dad xun oo aan damiir laheyn dhaqanka noocan ah, waxaan ku laab qaboojisanayaa wanaaga iyo sharafta shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland noo hayaan.
Askarta ayaan su’aalay waar danbi faraha kulamaan jirin, cid maan caayin, waxaan u socday u gargaarka dad dhibaateysan oo dhaawac ah ee maxaa la igu xidhay? Waxay si kooban igu jawaabeen waa amar sare!
Waxaanan u mahadcelinaya ciidama saldhiga iyo taliyahooda Diin-qale oo si fiican ila dhaqmay markii danbe ee ay ogaadeen inaan bilaa sabab ku xidhanahay oo aanan wax danbi ah faraha kula jirin.
Sidoo kale waxaan si mug iyo miisan leh ugu mahadceliyo dhammaan dadkii qowlka iyo qoraalka igu hiiliyey sidoo kalena dadaal badan ka galay siideyntayda oo ay kamid ahaayeen salaadiinta, cuqaasha, wax-garadka, dhalinyarada aqoonyahanka Somaliland iyo masuuliyiinta sare ee xisbiga Waddani.
Xaafadda Daami waxaa wada degan dad walaalo ah oo is jecel cidda isku diraysaa ee xumaanta ku kala wadaa waa la og yahay oo waa dawladda waayo 5 cisho ayey is dilayeen dhalinyarada xaafaddu, dawladu xal umey waayin oo iyadaa amaanka masuul ka aheyd, hanti ayaa labada dhinacba ka burburtey dhaawac ayaa yaala labada dhinacba, xukumad ay xumaanta ugu badiso tan mooye mid kale maan arag, dadka deegaanka xaafadda wada daga waxaan leeyahay idinka ayaa wallaalo ah is-dhowrta oo ka feejignaada shirqoolada dhagareysan ee dawladu idinku hayso
Waxay aheyd dhawaan marki suuqa badhtankisa la igu soo weeraray ee la iga burburiyey gaadhigeygii cid wax iga qabatey maysan jirin akhirkiina cidda dhibta ii geystay xukumadda ayey noqotey, haddana anigoo iska baraad la’ ayaa xadhig qaxdaro ah la igula kacay, waxaa rasaas nool lala dhacay bulshada Gabooye oo hadda saddex qof dhawac yihiin cid dawladda ah oo booqatey iyo cid ka hadashay midna ma jiraan. Dawladdan waxaan leeyahay haddii ay bulshada Gabooye idin nacday oo idinka tashatay xabbad iyo xadhig xalkoodu maahee ee xishooda oo sharafta qaranka ayaad huwan tihiine wax isku fala waanu awoodnaa inaanu dunida gaadhsiino waxaad sameyneysaan balse sharafta qaranka ayaanu dhowraynaa, waa Ramadaan ma jecli tirsi iyo aflagaado balse haddii aad joojin waydaan waxaad waddaan waxaa igu wallaahay ah inaan ceebtiina maqaal, maqaal ugu soo qoraa saxaafadda waan xishooday oo waad iga hadhi la’dihiine.
Ugu danbeyntii, waxaan waydiinaya shacabka Somaliland xalkee ayey kaga jirtaa diinta iyo dadnimada in maati tacadiga noocan ah xabbad iyo xadhig iyo xurmo la’aan lagu hayo bulshada Gabooye?
Somaliland guul iyo gobonimo waarta gobey liico jabin
Haldoor Barkhad Jamac Xirsi Batun
Hargeysa, Somaliland
Email: Barkhad909@live.com
No comments:
Post a Comment