Hargeysa, 03 June, 2015 (Himilo)- Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa sheegay in Xisbiyada Mucaaradku tanaasul badan ka muujiyeen murankii ka dhashay muddo-kordhintii Guurtidu u samaysay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, hase-yeeshee ay Golaha Guurtidu muran iyo murgin geliyeen heshiis ay Khamiistii hore wada gaadheen Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasadda oo dhigayay in muddada Guurtidu kordhisay ee sannadka iyo tobanka bilood ah laga soo hor-mariyo qabashada doorashooyinka muddo afar bilood ah.

“Guurtidu ka mid maaha dadka doorashada wax ku leh, doorashadu waxa ay ka dhacaysaa oo ku tartamaya saddexda Xisbi, Guddiga doorashooyinka, ayaa masuul ka ah doorashadu in ay qabsoonto, doorasho ay qabanayaan Saleebaan iyo Guurtidu 2017-ka iyaga ayay u taal, cidda ay u qabanayaan ee tartanka ku jirtaana iyaga ayey u taal. Laakiin, arrinka Saleebaan waa wax gaar ah, waxa lagu heshiiyayna waa wax gaar ah.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf.
Waxa uu Cali-Guray oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay oo yidhi; “Ku qabso ku qadi mayside awal hore dhulka ayey ahayd, laakiin maanta Siyaasaddii ayey soo gashay. Markaas, mashruuca Saleebaan iyo Guurtidu kama badna ku qabso ku qadi mayside, anna waxaan idhaah lacagtii hore ee ay qateen waxa ay ahayd tii lagu hawlgelinayey. Laakiin-se hadday xataa aanay ka noqon doorashada ay Axsaabtii iyo Xukuumaddu ku heshiiyeen, ee beesha caalamkuna la oggoshay isma hortaagi karo Saleebaan, lama odhan karo tariikhda doorashada Guurtida ayaa cayimaysa.”
Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee UCID Cali-Guray, waxa uu duray Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu yidhi; “Saleebaan oo kale meel-ka-dhac ayuu ku yahay in lagu tilmaamo Guurti oo runtii maaha, halkan waxaan ku arkayay Cawil oo kula talinaya inuu yeelo maanta oo kalla’aa wixii uu yeeli lahaa haddii uu nool yahay Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Saleebaan kaas ma noqon karo, cidna wuu ka aargoosanayaa, kaasina waa Siilaanyo.”
“Dhinacna qolo ayaa daba socota oo inta ku xeerani dan ayay ku fushanayaan, Shirqool intaas ka fog hadduu yahay oo Saleebaan aanu dan gaar ah ka lahayn waxaan qabaa in ay talada ummaddu tahay wixii ay heshiis ku tahay in la raaco. Haddii Siilaanyo digreeto ku soo saari waayo wakhtiga doorashada, waxaannu u qaadanaynaa waxa lagu heshiiyey in ay ka baxeen Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddu.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray).
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment