Muqdisho, 15 July, 2015 (Himilo)- Agaasimihii Laanta Duulista Rayidka ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Faarax Cigaal, ayaa shaaca ka qaaday inuu xilkaas iska casilay, waxaana qoraal Laantaa ka soo baxay si kooban loogu faahfaahiyey sababaha uu isu casilay oo ay ka mid yihiin Hay’adda Maamusha Hawada dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray ee ICAO oo uu sheegay inay Soomaalida Madaxa isu gelisay.
Warqad Kasoo Baxday Xafiiska Laanta Duulista Rayidka ah ee dawladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegey in Maxamuud Faarax Cigaal oo ahaa Ku-simaha xilka Agaasimaha Laantaas uu is-casilay. Qoraalkan ayaa wuxuu Agaasimuhu ku sheegey in uu si weyn uga niyad-jabsan yahay dhaqanka Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabbilsan Hawada ee Maamuleysey Hwada dalka Soomaaliya ee ICAO, taasoo uu ku eedeeyay inay Madaxa isu gelisay Soomaalida, isla markaana ay weli soo wareejin la’dahay Maamulka Hawada Soomaaliya, inkastoo uu xusay in heshiisyo badan oo hore loo kala saxeexday jireen.
Sidoo kale, wuxuu Agaasimaha is-casilay ku dooday oo uu qoraalkiisa ku xusay cabasho la xidhiidha faro-gelin uu sheegay inay Wasaaradda Duulista Hawada Soomaaliya ku hayso shaqadiisa, taasoo uu ku eedeeyey inay meesha ka saartay xidhiidhkii ka dhaxeeyey, isla markaasna ay si gaar ah ula xidhiidho Hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay oo uu la shaqaynteeda isagu u qaabbilsanaa Wasaaradda iyo guud ahaanba dawladda Soomaaliya.
Waxyaabaha Wasaaradda iyo Laantan isku haystaan waxaa ka mid ah Madax-bannaanida laantan oo uu Agaasimaha Is-casilay qabo inay tahay mid hawlaheedu ka Madax-bannaan yihiin Wasaaradda Duulista, halka ay Wasaaraddu u aragto Waax ka mid ah oo ay iyadu guudka ka maamusho. Agaasimaha is-casilay Maxamuud Faarax oo Weriyeyaal Wargeyska Himilo ka tirsani isku dayeen inay khadka taleefanka gacanta ku helaan si ay qodobbada uu isu-casilay oo intan ka faahfaahsan uga waraystaan, ayaanay u suuragelin inay wax war ah kaga helaan Taleefankiisa gacanta.
Hadalkan Ku-simihii Agaasimaha Laanta Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Maxamuud Faarax Cigaal, ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib wakhti ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Duulistu isugu yeedhay Guddiyo Farsamo oo ka socda Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay soo hor-dhigtay Heshiis qabyo-qoraal ah oo ka hor-imanaya Heshiisyo ay hore u kala saxeexdeen Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxa uu dhigayaa qabyo-qoraalku in dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya lagu wareejiyo Maamulka Hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland-na ka mid tahay, halka ay Heshiisyada hore labada dhinac oo ay Hay’adduna qayb ka ahayd u wada galeen dhigayaan in si siman loo wada maamulo Hawada, isla markaana dhib iyo dheef iyo dhaqaale waxa ka soo baxa-ba si laba dhinac ah oo Somaliland iyo Soomaaliya ah loo wadaago.
Shirkaas ICAO qabatay oo ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaa Guddiga Farsamo ee Somaliland uga qaybgalay hoggaaminayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Sayid, waxaanu sheegay in la soo hor-dhigay Qabyo-qoraalkaas oo ka hor-imanaya heshiisyadii hore loo galay, isla markaana waxa uu sheegay inay Beesha caalamku ka garniqi doonto qodobbadan ay isla gaadheen dawladda Federaalka iyo Hay’adda ICAO, maaddaama oo wixii la isku ogaa ee Caalamku goob-joogga ka ahaa wax ka hor-imanaya oo dhinac u sad-burinaya uu yahay, cid la afduubi karaana aanay jirin ee ay Hawadu tahay wax ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment