Xukunka Soomista lixda cisho ee shuwaal muxuu yahay? Waa sune in la soomo maalmahan lixda ah waxaana inoo caddeeyey Xadiiska Saxaabiga la yidhaaho Abii ayuub Rc wuxuu yidhi: Rasuulkeena ayaa yidhi Scw: qofka sooma Ramadaan ee raaciya 6 ka mid ah bisha Shuwaal wuxuu ka dhigan yahay qof soomay Sannadka oo dhan.
Sidaas oo kale sheekha la yidhaaho Ibnu Qudaamah wuxuu ku yidhi kitaabkiisa la yidhaaho Almuqni: Ehlul cilmigu waxay isku raaceen in la soomo lixda shuwaal. Jamhuurul culamaa sida Mad-habaha afarta ah Shaaficiyah, Maalikiyah, Xanaabilada, iyo Xanafiyadu waxay isku raacsan yihiin iyaguna in la soomo 6 da shuwaal inay tahay Sunne,
Fadliga ay leedahay in la soomo 6 cisho oo Shuwaala. Wuxuu yidhi Xabiibkeenu Scw:Bisha Ramadaan oo la soomaa waxay u dhigantaa 10 bilood 6 cisho ee la soomo shuwaalna waxay ka dhigan tahay laba bilood haddii la isku darana waa 12 bilood waxay u dhigantaa Sanadkii oo dhan oo qofku soomay, Rasuulkeenu scw dhinac walba aqoon badan ayuu u lahaa Xisaab ahaan marka la eego aad buu u yaqaanay Xisaabta wuxuu inoo falanqeenayaa sida ay ku noqonayso sannad 36 cisho wuu inoo kala qaadqaadayaa wuxuu
xisaabiyey 30 kii ramadaan 300 oo maalmood waayo maalintii waxay u dhigantaa 10 cisho 6 cisho ee shuwaalna waxay ka dhigan tahay 60 cisho halkaasi waa 300+60=360 waa sannadkii oo dhamaystiran. Xaqiiqatan wuu ka dhamaystirnaa nebigeenu SCW dhinac kasta wuxuu ahaa Dabiibkii Quluuubta dawaynayay wuxuu ahaa hanuuniyeheenii dhabta ahaa wuxuu ahaa kii inagu hagayey dariiqa saxda ahaa, wuxuu ahaa kii inoo tilmaamayey dariiq kasta oo aynu ku gaadhayno Ajjar badan iyo xasanaad,
Faa’iidada iyo Midhaha Soonka lixda shuwaal.
Haddii aan isku dayno inaan wax ka sheegno faa’iidada ay leedahay soomista Lixda shuwaal waxa ka mida:
1. Qofka sooma wuxuu ka dhigan yahay qof Soomay Sannadkoo dhan .
2. Soonka la soomo bisha Shuwaal iyo Shabcaan waxay ka dhigan yihiin
sida sunnayaasha la tukado salaadaha faralka ah dabadood iyo hortood, markaas shuwaal soomisteedu waxay ka dhigan tahay sunnayaasha Salaadaha ka danbeeya oo kale waxayna kabaysaa wixii Faralka ka nusqaamay, sida uu inoo sheegay xabiibkeenuna waxa maalinta Qiyaame lagu kabayaa faralka inaga nusqaama wixii sunnayaal ahaa een samayn jirnay faralka ka dib.
3. Iyadoo addoonku ka caado dhigto inuu soomo Faralka Ramadaan ka dib Shuwaalka waxay calaamad u tahay In qofkaas Illaah ka aqbalay Soomtiisii faralka ahayd waayo culumadu waxay yidhaahdaan qofka oo Faral sameeya ama gutta oo dabeed faralkaas ka dib sii wata wanaaga iyo daacaadka waxay ka dhigan tahay Faralkaas horrena Illaah wuu ka aqbalay, haddiise qofku Faralka ka dib daacaadkii ka gaabiyo taasi waa calaamad xun.
4. Soonka shayga la yidhaahdo dunuubtaa Illaahay inagaga dhaafayaa sidaan horreba ugu soo sheegnay qormooyinkeenii Shuwaal oo la soomaana waa la ajar uun.
5. Shuwaalka oo la soomaa waa Shukri naq Illaahay looga shukri naqayo inuu ina waafajiyey in aan soo dhamaysanay Faralkii waynaa ee Ramadaanta.
Masalooyin ku saabsan Shuwaalka.
Waxa bannaan in Maalmo xidhiidhsan uu soomo qofku oo marka uu Ramadaan ciido ka diba Raaciyo lix cisho oo xidhiidhsan.
Waxa kaloo u bannaan in qofku bisha Shuwaal oo dhan dhexdeeda ku kala qaybsado lixda cisho oo maalinba meel ka soomo laakiin Bishaas uun dhexdeeda uu ka soomo,
Haddii qofku awoodi kari waayo inuu soomo wax dhib ah malaha waayo waa sunne.
Haddii qofku xejin kari waayo oo ay ka jabto iyadana waxba loo raaci mayo.
Haddii uu sanad soomo Shuwaal sannadka ku xigana kari waayo oo Shuwaal soomi kari waayo malaha wax denbi ah.
Qofka lagu leeyahay Ramadaan inuu Qaleeyo oo wax ka tageen waa inuu Ramadaanta qaleheedii horraysiiyo, dabeed Shuwaalka ku xigsiiyo, haddiise uu ku qanco inuu shuwaalka horraysiiyo si aan Bisha Shuwaal u dhaafin waa u bannaan tahay inuu horraysiiyo Shuwaalka.
Niyadu waa muhiim qofku marka uu doonayo inuu Shuwaal soomo waa inuu
sii niyaystaa habeenkii inuu soomi doono.
Haddaba walaalayaal waa inaan si mug leh uga faa’iidaysanaa maalmahan Shuwaal ama lixda cisho ee shuwaal. Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu inaga aqbalo Shuwaalka iyo
Ramadaantii ka horraysay Aamiin,
Waxaan halkan ka xusayaa Qoraalkan oo uu inoo soo gudbiyey walaalkeen Geele Caato aniguna aan tarjumay Illaah isagana Miisaanka xasanaadkiisa ha ugu daro.
Hussein Jama Guudcade.
Diintuwaanasteexo1@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment