Tuesday, July 28, 2015

Baarlamaaka Iyo Xukuumada Somaliya Oo Ku Dhawaaqay Dib U Dhac Doorasho Iyo Nuxurka Qodobo Si Wada Jira ay Usoo Saareen.

Muqdisho July 28, 2015(Himilo)Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya iyo Golaha Xukuumadda oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa go’aamiyay in dalka somaliya aanay ka dhici Karin doorasho shacab codeeyaan.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada waxaana ay isku raaceen in dalka aanay doorasho ka dhici Karin.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay muhiimada labada Gole ee Dawladda ay u midoobaan marxaladan siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Wuxuu sheegay in dalka aanay doorasho shacabku codeeyaan aanay ka dhici karin, sidaasi awgeedna muhiim ay tahay in la qabto Shirweyne wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan Dawladda iyo Maamul Goboleedyada dalka.

"Waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo oo halkaan idin keenay inaan kalsooni idin geliyo, sababtoo ah wakhti xassaasi ah ayaa la marayaa waxaan rabaa inaan ka shar ciyayno saddexdii qodob ee Xildhibaan Goodax uu halkaan ka sheegay, Doorasho qof iyo cod dalkaan kama dhici karto." Ayuu yidhi Ra'iisul Wasaaraha Somalia.

Xildhibaan Cabadilaahi Goodax Barre ayaa Baarllamaanka hortiisa wuxuu ka akhriyay saddex qodob oo Xukuumadda iyo Baarlamaanku isku raaceen.

1- Labada gole ee dawladda waxay isla garteen oo ay isku raaceen in sanadka 2016 dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah

2- In la qabto shirweyne heer qaran ah oo ay ka qeyb galayaan golayaasha dawladda iyo maamul goboleedyada dalka, kaasoo looga tashanayo tallaabada ay dawladdu qaadeyso si dalka doorasho uga dhacdo 2016 augost marka la gaadho, maadaama aanay dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah

3- In qaban qaabada howsha hiigsiga 2016 iyo tallaabada dawladda qaadeyso lagu soo gaba gabeeyo dhamaadka sanadkan 2015, si 2016 shaqada u bilaabanto.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment