Wednesday, July 29, 2015

Burco: Madaxweyne Siilaanyo oo Kormeeray Bukaan-jiifka Cusbitaalka Guud oo uu xoolo ku wareejiyey

Marwada 1aad oo Xoolo ku wareejiyey Xarumaha Xannaaneynta Agoomaha iyo Darbi-jiifka

Burco, 29 July, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kormeer ku maray bukaanka Cusbitaalka Guud ee magaalada Burco, waxaanu madaxweynuhu maamulka cusbitaalka ku wareejiyey Xoolo nool oo loogu talo-galay dadka Bukaan-jiifka ah.

[gallery columns="2" ids="22042,22041"]

Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ku jooga Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa galabnimadii shalay kormeerka ku tagay cusbitaalka, waxaanu intii uu ku sii jeeday cusbitaalka Guud uu waddooyinka magaaladaaas kala kulmay soo-dhawayn ballaadhaan, iyadoo jidadka magaalada ay tubnaayeen dadweyne tiro-badan oo madaxweynaha iyo weftigiisa soo dhaweeyey.

Sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo xafiiska af-hayeenka madaxtooyadu kaga hadlay kormeerka uu ku maray Bukaan-jiifka cusbitaalka, waxa uu Md Siilaanyo kormeeray cusbitaalka Guud ee Burco. “Kormeerkan ayey u jeedadiisu ahayd xaalada guud ee ay ku sugan yihiin bukaanada kala duwan ee xanuunada u jiifa waadhadhka dhakhtarka kuwaas oo isugu jira caruur iyo Cirooleba.

Madaxweynuhu waxa uu bukaanka mid mid uga waraystay xaaladiisa caafimaad isaga oo u duceeyey in alle ka dulqaado xanuunada oo uu siiyo caafimaad taama, waxaanu madaxweynuhu bukaanka iyo cusbitaalka guud ugu deeqay xoolo nool si loogu qalo.

ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo noqday xarunta guriga martida ee burco oo uu magaalada ka degan yahay,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka kooban ee madaxtooyadu kaga hadashay kormeerka uu ku Md Siilaanyo ku maray cusbitaalka Guud ee Burco.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumadda, ayaa dorraad socdaal ku gaadhay magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, halkaas oo uu mashaariic ka fuliyey, waxaanu kormeer ku tagay jiidaha hore ee Fadhiisimada Ciidamada Qaranka oo uu khudbad u jeediyey, ka hor intii aanu habeen dib ugu soo noqon magaalada Burco.

Weftiga madaxweynaha ee ku sugan gobollada Bariga dalka, ayaa la filayaa inay gaadhaan magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo la filyo inuu xadhigga kaga jaro qaybo ka mid ah jidadka isku xidha gobollada Sanaag iyo Togdheer oo qaybo ka mid ah la dhammeystiray.

Dhinaca kale, marwada madaxweynaha Marwo Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirde oo weftiga madaxweynaha ku wehelinaysa,  ayaa gelinkii dambe ee shalay kormeer ku martay Xarunta Agoomaha Burco ee lagu magacaabo URTAHEGAN iyo Xarunta daryeelka Darbi-jiifka.

Marwada Madaxweynaha Somaliland waxa ay warbixinno ku saabsan qaabka ay u shaqeeyaan ka dhegaystay maamuullada gacanta ku haya labada xarumood, iyadoo markii dambe ku ku wareejisay midkiiba xoolo nool oo loogu talo-galay carruurta ku xeraysan labada Xarumood.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment