Sunday, July 5, 2015

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Faahfaahin ka Bixiyay Xadhiga Suldaan Maxamed Muuse (Cunne).

Hargeysa (Himilo) July 6, 2015-Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay xadhiga Suldaan Maxamed Muuse (Cunay) oo shalay ciidamada amaanka gobolka togdheer xabsiga u taxaabeen, xadhiga suldaanka ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay wasiirka arimaha gudaha.
Balse Sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Togdher in suldaanka Loo xidhay danbiyo qaranka uu ka galay sidaasna uu ku mutaystay xabsiga , Gudoomiyaha gobolka togdheer oo maanta waraysi khaasa siiyay Star TV Ayaa Ugu Horayn La waydiiyay xadhiga suldaanka.
“Cidkasta oo danbi ka gasha qaranka waa la xidhayaa, waayo hadaynu sharci iyo kala danbayn yeelan wayno mushkiladeeda ayay leedahay,Suldaanku gaf wayn buu qaranka ka galay,qarankani inuu dumo ayuu ugu talo galay,cashuuro yaan la bixin halo kaco,waxaan cadowgeenu ku dhawaaqin ama aanay wali odhan buu yidhi”Ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Togdheer.
Guddoomiyuhu waxaa uu intaasi k daray “Isaga iyo qayrkii wixii hawshaas ku kaca waa la xidhayaa,waana la xukumayaa,Sharcigana waa loo marayaa oo xeer ilaalinta ayaa imika (file)kiisii u furtay”.
Guddoomiyuhu waxaa uu ugu danbayntii ka hadlay xaalada gobolka Togdheer iyo magaalada Burco “Xaalada Gobolka Togdheer way fiicantahay,Burco waa meel dad aad iyo aad u wanaagsani joogaan,waa dad la fahmi karo si wanaagsan waanu u wada shaqaynaa reer burco”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Burco Maxamed Muse Diiriye.
Suldaanka la xidhay ayaa dhawaan weerar afka ah ku qaaday wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo uu ku eedeeyay masuul gabay hawshii uu qaranka u hayay.


Himilo media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment