Wednesday, July 29, 2015

Jaamacada Hargeysa: Dalkan dadkii lahaa ma joogo-W/Q Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Waxa aan aad iyo aad uga xumahay farsamo xumada iyo hirdanka beelaysan ee ka socda Jaamacada Hargeysa iyo hakinta adeega waxbarasho, waxa aanu doodnay xalay rag waawayn oo madaxa laakiin waxa aanu u doodnay sidii geeljiraha oo aad moodo nin waliba in uu cid gaara difaacayo, waxa laga doodayaa waa Jaamacadii Qaranka ee Hargeysa. Waxa ay Jaamacada Hargeysi soo martay daruufo ka qalafsan, tan shalay dhacday ee mudahaardka tiro yar oo ardayda ka mid ahi qastay adeega 6000 arday wax lagu baro, waxa soo maray Jaamacada dhaqaalo xumo, macalin la’aan iyo baahiya aas aasiga ah oon la hayn. Taariikhdu markay ahayd 2002 ayaa guddidii sare ee Jaamacadu soo jeediyeen in muddo 6 bilooda la xidho sababta oo ah duruufihii dhaqaale iyo macalin ee xilligaa jiray, waxa ka soo horjeestay ardaydii xilligaa oo ahayd kuwii ugu horreeyay oo jaamacada lagu bilaabay oo aan ka mid ahaa, waxa aanu u arkaynay haddii Jaamacada la xidho in aanay dib u furmi Karin, xalkaana ay ku rajo beeli lahaayeen hiigsigii ummadda oo ay u ahayd goobta qudha ee lagu soo hirto. Waxa ka mid ahaa waxyaalaha aanu ka war wari jirnay in Jaamacadu hesho mar uun dayr lagu soo wareejiyo, si looga raysto dadka iyo xoolaha Jaamacada dhex mara, maadaama oo ay ahayd goob bannaan oo riyuhu ka qadhaabtaan kuna dhalaan.

Waxa aan xasuusta guddidii ardayda ee Jaamacada Hargeysa ugu horraysay oo aan xubin ka ahaa, guddidaa ardayda ee xilligaa waa ardaydii lagu bilaabay Jaamacada oo toos waxbarashada sare loo bilaabay 2000, isla sanadkii aanu ka soo baxnay dugsiga sare ee Faarax Oomar. Guddidaa waxa lagu doortay hab cod gacan taaga guddoomiyaha  iyo xubnaha guddida ardayda, guddidu waxa ay la doodi jirtay madaxdii iyo guddoomiyihii Jaamacada oo xilligaa ahaa Cali Qaadi, oo aanu culays ku saari jirnay in la horumariyo adeega Jaamacada, ardaydii sabankaasi qabiil may kala lahayn ee waxa midayn jiray ujeedo iyo in danta guud laga hadlo, waxa aan xasuustaa maalin guddida sare ee Jaamacada la kulanay oo ay ka mid ahaayeen Edna iyo Sheekh Yuusuf, shir maamulka iyo ardayda dhex maray, ayaa la yidhi maxaad ka cabanaysaan, ardaybaa ugu jawaabay sidan, ‘waxa la yidhi dameeroow bahashan dameera ee haraatida kugu dishay maad iskaga hadhid, dameerkiibaa yidhi waxba kuma qabee, waxa aan isleeyahay bahalkii dameer ahaa yaanu dabar go’in, markaa meesha waxbarasho kuma haynee yaanay waxbarashadu dabar go’in baanu is leenahay’. Guddidii sare ee nala doodaysay wax ay ku hadlaanba way garan waayeen, ardayda maanta dhigata ee aan macalinka u ahayna waxa loo kala qaybiyay beelo aan dani ugu jirin oo maanta Jaamacadii gayeeysiiyay in hakad la galiyo oo ah guul darro hor leh.

Waxa kale oo aan xasuustaa mar la soo jeediyay in Jaamacada magaca laga badalo oo aanu ka dagaalanay, ardayda oo ku doodaysa sidee qof magacii loogu bixin karaa, Jaamacad wadata magaca caasimada Hargeysa taasina may suurto galin ardaydii xilligaa oo isku duubnayd awgeed.

Jamacadu haddii ay xumaato waxa ay ka xumaanaysaa ardayda oo ay ka xidhmi doontaa, ardaydu reer maaha, ee waa arday qaran ee yaan nin dan lihi idin adeegsan ee ka fiirso inta aanad falin. Jaamacada Hargaysi waa guul qaran ee haka dhigina guul daro.

Dawladda waxa looga baahan yahay in ay qaadato go’aan adag iyada oo la eegayo oo qudha mustaqbalka ardayda wax ka barata iyo kuwii hore ee ka baxay Jaamacada oo shahaadooyinkoodu ku abtirsadaan. Waxa aan is idhaa marka aan sheekooyinka qaar dhageysto malaha dalkan dadkii lahaa ma joogaan, isqabsiga Jaamacada ee riiqda dheeraaday marka dhanka san laga eego waxa ay muujinisaa meel dadku wada leeyahay, maxaa yeelay haddii ciddi leedahay muranba muu yimaadeen, oo waxa uu odhan lahaa sida Jaamacadaha kale ee dalka ka shaqeeya iga darreera adeer meesha miyaad igu haysataan. Bal u fiirso Jaamacada Muqdisho waxa ay ku taalaa meel holcaysa maalin qudha ma istaakto waxbarashadu, haddii dagaal ka dhaco goobta wax lagu barto waxa farriin loo diraa ardayda in galaaska lagu galayo meel kale oo markaa nabdoon oo laysla garanayo, sidaas awgeed mar qudha may istaagin waxbarashadu dagaal kasta oo soo maray, waxa kale oo jira sharci adag oo lagu fuliyo dhamaan ardayda oo dhan, faqiir iyo taajir, atoore iyo miskiin, oo dhigaya ardayga in la eryo hal sanno haddii uu sharciga Jaamacada khilaafo, waxa la gaadhay in arday mar la eryay uu u yeedho tiknikadii reerkooda oo Jaamacada la qabsado laakiin nasiib wanaag kamay joojin Jaamacada in ay sii waddo sharcigii ay dhigatay. Gabogabadii, Islaan baa laga hayay ninka xoogaa lihi inantayda kamuu dhali waayine wuu hagranayaa, markaa aragtidayda ma aqbali karo in maanta la yidhaa ardaybaa Hargeysa gudaheeda loo taag layahay oo jaamacadiibaa hakad la gashay, tani waxay ay gaf ku tahay maamulka Jaamacada iyo dawladda qaranka ee Somaliland.

La-taliye iyo Bare sare: Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

hhmadaxyare@yahoo.com; +25263 4418302

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment