Tan iyo intii xukuumada uu madaxweynaha jamhuuriyada somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) gadhwadeenka ka yahay talada dalka gacanta ku dhigtay waxa isa soo taraya magacaabista qurbo-joog tiro badan oo xilal kala gadisan looga magacaabayo xukuumada talada dalka gacanta ku haysa, dhanka kale waxa iyana isa soo taraya xafladaha iyo maamuusidda qurba joogta maalinba madal loo yagleelayo ee lagu casuumayo. haddaba tan iyo maalintii xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ku guulaysatay talada dalka xubnaha la magacaabay waxa ay u badanaayeen muwaadiniin haysta dhalasho dal kale. Haddaba su’aasha is waydiinta mudani waxa ay tahay waa maxay sababta looga door biday muwaadinniintii dalka joogtay amaba ku noolayd muwaadin dhalasho dal kale haysta oo xil ama mansab doona inaga oo og doorka ay muwaadinniinta qolqol joogta ahi ka soo qaateen guushii iyo hanashadii kursiga madaxtinimo ee xukuumada haatan talada dalka haysa, sidoo kale waxa iyana marag ma doona in qolqol joogtu maal, muruq, maskax iyo codba ugaga qayb qateen guushii xisbiga kulmiye ku hantay talada dalka uguna dul qaateen bacadkii, qabawgii, haraadkii iyo safafkii dhaadheeraa ee ay ugu jireen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen hankoodii ahaa sidii xisbiga kulmiye ugu guulaysan lahaa doorashada dalka. haddaba halkay ku danbaysay hankii, himiladii iyo higsigii dheeraa ee siyaasiyiintii iyo dhalinyaradii qolqol joogta ahayd ee suuro galiyay in xisbigii kulmiye guulo iyo doorar lama ilaawaana ka soo hooyo doorshadii dalka ka dhacday ee uu kaga adkaaday xisbiyadii kale ee uu doorashada madaxtinimada kula tartamayay. haddaba waa maxay sabobta qurbo-joogu uga maamuus badan yahay qolqol joogta haday xil tahay iyo haday maamuus kaleba tahay ???????????????
Qalinkii:Eng Idiris Dayib Cabdi
Email:idiris_dayib@hotmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment