Tuesday, July 28, 2015

Rabshado hadheeyey Jaamacadda Hargeysa oo fashiliyey Imtixaan bilaabmayey, Albaabbadana u laabay Shaqadii Jaamacadda iyo dhinacyada ka hadlay

“Inammadii yar-yaraa ee hore rabshadda u geystay waxba lagama qaban ee Suuqay joogaan….Waxaan leeyahay Jaamacaddu way xidhnaanaysaa illaa dadkii falkaas geystay Maxkamad la soo joojiyo oo la sugo Jaamacadda nabadgelyadeeda..” Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof: Cabdi Xuseen Gaas
Hargeysa, 28 July, 2015-(Himilo)- Rabshado khasaare geystay, ayaa hadheeyey Jaamacadda Hargeysa ee magaalada Hareysa Isniintii shalay, ka dib markii ay qaar ka tirsan Ardayda Jaamacaddaas wax ka barataa ay subaxnimadii shalay weerareen Jaamacadda oo Imtixaan loo fadhiisan lahaa, isla markaana ku burburiyeen Baabuur Deyrka dhex-yaallay iyo agab kala duwan oo Jaamacaddu leedahay, waxaana Maamulka Jaamacaddu shaaciyey in albaabbada loo laabay oo ay xidhnaan doonto Jaamacaddu inta dhibaatada wax laga qabanayo.
Dhalinyaradan Ardayda Jaamacadda Hargeysa wax ka barata ka tirsan ee rabshadahaas geystay, ayaa la sheegay inay ka cadhaysnaayeen Hormuudkii Kulliyadda Sayniska iyo Dhaqaalaha ee Jaamacaddaas oo Shaqada laga joojiyey, ka dib markii lagu eedeeyey inay rabshado hore uga dhacay Jaamacaddaas abaabulkeeda qayb ka ahaayeen, waxaana ka warramay sida ay wax u dhaceen Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi Daahir Camuud, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) iyo Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Jaamacadda Hargeysa Prof: Cabdi Xuseen Gaas.
Taliye Ku-xigeenka Booliska Cabdiraxmaan-Fooxle oo sheegay inay 16 ka tirsan Ardayda rabshadda geystay Ciidanka ammaanku gacanta ku dhigeen, kana warramaya sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi; “Maanta (shalay) oo bishu 27 tahay, Jaamacadda waxaa ka furmayay Imtixaankii. Maamulka jaamacadda ayaa nala soo hadlay waxaanay nagu yidhaahdeen ciidankii hore noogu joogay 10 Askari noogu soo kordhiya. Anagu ciidan badan iyo qoladii dhar cadda ahayd ayaanu u dirnay. Ciidankaasi 5-tii subaxnimo ayuu tagay jaamacadda, hawlihiisii ciidana si fiican buu u watay.”
Waxa uu Taliye Ku-xigeenka oo sii watay hadalkiisa, intaas ku ladhay; “Dhibaatada meesha ka dhacday waxay ka bilaamatay Jaamacadda gudaheeda, wax dibedda ka yimid oo ku soo duulayna ma jirin. Ciidanku wuxuu ku wareegsanaa Dayrka, badhna Kadimmada ayay fadhiyeen, markii Macallimiintii mid walba Imtixaankii ula galay Ardaydii, ayay Ardaydi Imtixaankii boobtay, dabadeed waxay jeex-jeexeen iyo waxay daadiyeen bay ka dhigeen. Hawshaasi gudaha ayay ka dhacday, wax dibadda kaga yimidna ma jirin, intaasi markay dhacday Ardaydii dhagax-tuur bay bilaabeen saddex il;aa afar Baabuur oo gudaha yaallay Muraayadaha ayaa wax ka gaadheen, illaa 6 dibadda yaallayna Muraayadaha ayaa wax laga yeelay.”
“Illaa 16 nin baa hawshaa loo hayaa, baadhistiina way noo socotaa, ciddii sharcigu ku caddeeyana hawsheeda ayaa laga gudanayaa. Arrintan wuxuun baannu u arkaynay arrin xagga Maamulkooda gudihiisa ah, kollay inaan wax badan ka sii sheegana ma jecli. Laakiin, annaga waxaa na khusaysa xagga ammaanka, hore iyo immikaba waxaan arkayay dad meelo wax galgalinaya oo qolada Jaamacaddu leedahay Taliyaha Ciidanka ayaa wax ka qaban waayay. Taliyuhu falkii hore uga dhacay Jaamacadda sidii xaqa ahayd ee waajibka ahayd ayuu wax uga qabtay, tan immikana sidii ugu wacnayd iyo gacan adag ayaannu uga hawlgalnay, waanan ku hambalyaynayaa Saraakiisha Ciidanka.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Ku-xigeenka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo Saxaafadda la hadlay rabshadahaasi markii ay dhaceen ka dib.
Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi Daahir Camuud, ayaa sheegay inay dawladdu Siyaasad cad ka soo saari doonto xaaladda ka taagan Jaamacadda Hargeysa, waxaanu yidhi; “Jaamacaddaasi ma jeclin inay muran iyo qashqashaadi ay soo gasho, saaka (shalay subax) waxa ka dhacayna waxa uu ahaa wax dad meeshaas jooga ama meel kale ka hoggaaminayaa ay ku talo-galeen ayey ahayd, dawladduna waxay ka yeelan doontaa talo, siyaasad cad ayaanay ka soo saari doontaa.”
Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo Warbaahinta qaarkeed wax ka weydiisay rabshadahan hadheeyey Jaamacadda Hargeysa, ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan xaaladda ka taagan Jaamacadda. Hase-yeeshee, Maamulka iyo Shaqaalaha Jaamacadda Hargeysa ka hawlgalayey, ayaa sheegay inay joojiyeen Shaqadii ay ka hayeen Jaamacadda Hargeysa, maaddaama oo lagu guul-darraystay sugidda ammaanka Jaamacadda illaa iyo inta rabshadaha soo noqnoqday ee Jaamacadda haysta si buuxda wax looga qabanayo.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof: Cabdi Xuseen Gaas oo u warramay Horn Cable TV, ayaa sheegay in albaabbada loo laabay, isla markaana la joojiyey shaqadii ka socotay Jaamacadda Hargeysa, nabadgelyo-darrada soo noqnoqotay awgeed, isagoo sheegay in Xubno Shaqaale ka ahaa Jaamacadda oo shaqada laga joojiyey ay wadaan fawdada iyo rabshadaha soo noqnoqday ee Jaamacadda ka taagan.
“Dadka joogaa ma jecla is-beddel iyo in meesha wax loo qabto, dad baa iga soo horjeestay waxyaalo badan sameeyey, dadbaa markaa u heegan ah oo aan ka daalayn joojinta in Jaamacadda wax wanaagsan loo qabto. Halkaas kumay joogsan ee nabadgelyada Jaamacaddu intaas aan joogay-ba way sii xumaanaysay, dhawr goor baa faraha nala saaray aniga iyo Shaqaalaha, hawshayadii waannu qabsan kari waynay, adigu dadkii aakhirkii Guddiga Jaamacadda iyo annagu waxaan isla garannay in shaqada laga eryo, markaa sidaas ayaa loo eryey, Madaxtooyadu way ku mahadsantay hawshay qabteen, dhibaatadii Jaamacadda markay arkeen Raggaas meesha waa laga saaray.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Gaas.
Cabdi Xuseen Gaas oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Ta kale 17-kii June Sagaal inan inta aannu illaa immika ognahay waxay soo galeen meel ay Wasiirrada Jaamacadda (Guddiga Wasiirrada ah ee Jaamacadda) iyo Hormuudkii Jaamacaddu ku shirayaan, ayay soo galeen dhawr iyo toban Inan, waxay nagu bilaabeen Quraarado nalala dhaco iyo Kuraasi, dad baa illaa maantan Cusbitaalka u jiifa, dadkii falkaa galay Sawirradoodii, Magacyadoodii iyo wixiiba C.I.D-daa loo gudbiyey waxba lagama qabannin. Xeer-ilaaliyaha guud Warqad buu qoray uu yidhi wax hallaga qabto arrintaas, waxba lagama qaban, weli innamadii yar-yaraa Suuqa ayay joogaan.”
“Maantana (shalay) tii aannu ka baqaynay ee aannu cid walba u sheegnay baa dhacday, wax ka badan Boqol iyo jarjar Baabuur ayaa la jajabiyey, Arday baa jajabisay, Jaamacadda Muraayadeheedii iyo wexeedii waa la jajabiyey, Macallimiintii iyo Shaqaalihii dhibaataa soo wada gaadhay oo waa la cawaray.”
“Illaa maantadaas wax war ah kama hayno, laakiin waxaa naloo sheegayaa in 15 illaa 16 ka mid ah Ardayda rabshadda geysatay la soo qabtay. Waxay ka fursan wayday in Shaqaalaha Jaamacadda Hargeysa, iyagoo xil-isasaaraya, nabadgelyadoodana u danaynaya ay yidhaahdaan Shaqadii halla joojiyo inta waxan wax laga qabanayo, Waalidiintiina u sheegeen, taasina waa mid geesinnimo ah, waanan ku taageersanahay. Waayo? Lix kun oo Arday iyo Saddex boqol oo qof oo shaqaale ah Masuuliyad baa iga saaran nabadgelyadooda oo waa waxaannu ka hadlaynay. Sidaa awgeed, waxaan leeyahay Jaamacaddu way xidhnaanaysaa illaa dadkii falkaas geystay Maxkamad la soo joojiyo oo la sugo Jaamacadda nabadgelyadeedii.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof: Cabdi Xuseen Gaas.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment