“Halkaas lagaga tegay Xasan Cawaale ayuun baa idiin dambaysa, Nacnacoow halkaasaa kuu dambayn, Cali-Gabiilayoow halkaas baa kuu dambayn, Bukhaariyooy kaba daran.!”
“42 Mudane haddaannu halkaas isku taagno Wallaahi dalkaasaa badbaadi lahaa, oo annagaa badbaadi lahayn oo Berberaa badbaadi lahayd, oo Maalkaas baa badbaadi lahayd, Dubai-daas Kiishka loo toshay baa badbaadi lahayd…”
Hargeysa, 04 July, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda, Garsoorka iyo Xuquuqda Aadamaha ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa si kulul uga hadlay dhaawac Madaxtooyada loogu geystay Khamiistii Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsanaa Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Wakiillada, waxaanu sheegay haddii 24 saacadood gudohood lagu soo xidhi waayo ciddii dhaawaca u geysatay Xildhibaanka in Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa soo hordhigi doonaan Goluhu marka uu furmo Ramadaan ka dib.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa ka mid ahaa Masuuliyiin uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI hoggaaminayo oo booqasho ugu tegay Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo Cusbitaalka Red Sea ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu u jiifo dhaawacyo ka soo gaadhay Jidh-dil uu sheegay inay u geysteen Askar ka tirsan ilaalada Madaxtooyada iyo Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Khamiisti dorraad.
“Dawladnimadeennii toos baa loo baabbi’iyey, Qarannimadeennii toos baa loo baabbiiyey, kun wax oo qaldan baa jiray, tan Xasan Cawaale waa ka mid, fawdada dalka la geliyey waa ka mid, Musqmaasuqa la caadaystay waa ka mid, dhulkan la wada boobayaa waa ka mid, lahaanshiiyahan gaar ahaaneed ee Qoysnimo waa ka mid. Waxaan ku hadlayaa Afka Guddoomiyaha Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda, Shuruucda, Xuquuqda Aadamaha iyo Garsoorka ee Golaha Wakiillada.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo la hadlay Star TV.
Waxaanu Xildhibaan Siciid intaas ku sii ladhay; “Haddii 24 saacadood gudohood lagu soo xidhi waayo ciddii waxaa geysatay ee falkaas (Xildhibaan Xasan Cawaale) geysatay, hadday min Taliye tahay, hadday tahay nin Askariya iyo hadday tahay cid kasta oo falkaas ku lug lahayd 24 illaa 48 saacadood lagu soo xidhi waayo, waxaan ballan ku qaadayaa Golahaa maalinta la furo in Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisan taagta daran leh ee awoodda la’ ee aan shaqaynayn ee xil-gudasho la’aantu ku dhacday inaannu Mooshin ka soo dhigno ayaan ballan ku qaadayaa.”
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu Baaq digniin ah u diray Xildhibaannada Muxaafidka ah ee Golaha Wakiillada ee Xasan Cawaale ka midka ahaa, waxaanu yidh; “Xasanoow adaan kula hadlayaaye adigaa is-dhigay halkaas, immisaynu wadahadalnay, 42 Mudane haddaannu halkaas isku taagno Wallaahi dalkaasaa badbaadi lahaa, oo annagaa badbaadi lahayn oo Berberaa badbaadi lahayd, oo Maalkaas baa badbaadi lahayd, Dubai-daas Kiishka loo toshay baa badbaadi lahayd. Kontonkii nin baan wali la hadlayaa, Kontonkaasoow halkaas lagaga tegay Xasan uun baa idiin dambaysa, Nacnacoow halkaasaa kuu dambayn, Cali-Gabiilayoow halkaas baa kuu dambayn, Bukhaariyooy kaba daran.!”
“Waxaannu weydiinnay cid u timi, wuxuu noo sheegay Xasan Cawaale cid allaale cid u timi inaanay jirin. Xisbigii KULMIYE ee aad dhawaanta gashay ee ku waalatay yaa kaaga yimi baannu nidhi. Isna Cidi ugama iman.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxaanu sheegay in Xildhibaan kasta oo Muxaafid Xag-jir ahi inuu ku dambayn doono in inta lagu dhex-garaaco Madaxtooyada, cidina ku booqan waydo goobaha ay u jiifaan dhaawacyada Madaxtooyada lagu gaadhsiiyo.
Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xildhibaanka ugu duceeyey Cusbitaalka ay ku booqdeen, waxaanu Allaah uga beryey inuu ka caafiyo dhaawacyada lagu gaadhsiiyey Madaxtooyada, isla markaana uu Nabar-gardarro uga dhigo.
Sidoo kale, Guddoomiye Cirro waxa isla Jimcihii shalay goobo kala duwan ku booqday Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan, Cali Ducaale Seed (Cali-Madoobe) iyo Maxamed Jaamac Carraale (Eng Caraale) oo xanuuno u kala yaalla Cusbitaalka Hargeysa Neurology iyo Xaafadahoda oo ku kala yaal degmada Axmed-Dhagax.
Saddexdan Oday oo ka tirsan Odayaasha waawayn ee reer Hargeysa, ayaa xanuunno kala duwan u jiifay dhawaanahan, waxaanu Guddoomiye Cirro dhammaantood ALLAAH uga beryey inuu Caafimaad deg-deg ah siiyo, Cudurka hayana ka dulqaado oo uu Caafimaad ugu beddelo fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan dartii.
Himilo Media
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment