Hargeysa July 5,2015 (Himilo)- Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa sheegay in shaqadii Komishanka ay cabaqad ku noqotay wakhtiga doorashada ee aan ilaa hadda la shaacin xiliga doorashadu qabsoomayso.
Xoghaye Uurcade Oo Maanta Magaalada Hargeysa Kula Hadlayay Saxaafada ayaa xukuumada ugu baaqay in ay hirgaliso heshiiska asxaabta iyo xukumadda ee ahaa in doorashada la qabto December 2016-ka.
“Dhibta haysata Komishanka doorashada iyo qaranka Somaliland ba waxa weeye iyadoo aan ilaa maanta Xukumaddu fulin oo aanay hirgalin heshiiskii xisbiyadu gaadheen. Arrinta dhibta ku haysa Komishanku waxa weeyi Dad inta wax loo diray wakhti cayimanna aan la siin oo la leeyahay waxna qabta dibna yaanay u dhicin, waxna ha dhammaadaan,” ayuu yidhi Maxamed Uurcadde.
Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani waxa uu iftiimiyay in wakhtiga aan la cayimini keenayo dib u dhac ku yimaada hawlaha Komishanka oo diwaangalinta codbixiyeyaashu ugu horayso “Wixii lagu heshiiyay ee Komishanka qoraal loogu gudbin lahaa, oo ay si rasmi ah ugu shaqayn lahaayeen oo aanu Madaxweynuhu ilaa hadda wax talaabo ah ka qaadini waxay keenaysaa inay dib u riixmaan arrimaha diwaangalintu, taasina waxay dhib ku tahay Komishanka, Dadka Somaliland iyo cid kasta oo dimuqraadiyadda jecel,” ayuu yidhi Maxamed Uurcadde.
Xoghayaha xisbiga Waddani waxaa uu Masuuliyada Dib udhaca doorashooyinka, habsami u socodka Hawlaha komishanka qaranka Iyo heshiisyada Asxaabta Qaranku Galaan ee burburay Ku Eedeeyay madaxwaynaha Somaliland.
Maxamed Uurcade waxaa uu xukuumadu Ku tilmaamay In aanay doorasho diyaar u ahayn mudo kordhintan imika lagu Daray wakhtiga xukuumadana waxaa uu ku sheegay in dib loo kordhinayo oo aan laga daacad ahayn doorasho dalka ka dhacda.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment