Thursday, August 6, 2015

DAAWO: Golaha Guurtida Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Qorshe Madaxweynuhu Ku Doonayey In Xal Lagaga Gaadho Khilaafkii Muddo Kordhinta Ka Dhashay

Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa qasriga Madaxtooyada Kulan kula yeeshay Guddiga Joogtada ee golaha Guurtida.
Kulankan oo ujeedadiisu aheyd sidii looga wada hadli lahaa xalna looga gaadhi lahaa khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii golaha guurtidu u samaysay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo golaha wakiilada, balse mudanayaashii golaha guurtida ee kulankan ka qayb galay ayaa si toos ah madaxweyne Silaanyo ugu gacan saydhay isla markaana diiday in laga wada hadlo go'aankii muddo kordhinta ee ay hore u sameeyeen.

Natiijada kulankaasi iyo go'aanka diidmada ah ee golaha guurtida oo dhameystiran daawo.

HALKAN KA DAAWO

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment