Monday, August 3, 2015

Dadkii ma doorashada ayaa ka weynaatay!-W/Q: Maxamed Cabdiraxmaan Sharma’arke (Hisoori)

Harraadka iyo oonka baahay ee bulshada gowracay iyo weliba goobaha lagu hanaq go’ay ee dad iyo duunyaba lagu leeday dowlad iyo mucaaridba war looma hayo, waayo waxa ka weyn khilaafka ka dhexeeya shakhsiyaadka kooban ee kursiga ku legdamaya, waxaana ka qiimo badan doodaha riqiiska ah ee ku wajahan wakhtiga doorashada la qabanayo. Bal u fiirso intii ay wakhti, dhaqaale, hadal iyo yooyootan ku lumiyeen xilliga doorashada, saacad kaliya lagama hadal nafaha harraadka iyo macaluusha u geeriyooday ee dalka gudihiisa ku nool, taasi oo markhaati u ah in ay doorashadu ka weyn tahay dadka, kana qiimo badan tahay.

Sida lagu daabacay wargeysyada waxa uu maayarka magaalada Saylac Mudane Xuseen Iidle Barkhadle xaqiijiyey in 9 qof ay gobolka Salal ugu dhinteen harraad iyo biyo la’aan. Lama arag dhimasho ka sillic badan qof u dhinta gaajo ama harraad, iska dhaaf qof ay mas’uuliyadi ka saaran tahay qofkaas harraadka u dhintaye, wallaahi qofka caadiga ah ayaan adkaysan karayn murugo iyo walbahaar awgood. Haddana kuwii ay mas’uuliyadu ka saarnayd oo uu ugu horreeyo madaxweynuhu halkii ay inta tamartooda ah gurmad iyo gar-gaar uga fidin lahaayeen dadkaas tabaalaysan, nasiib-darro waxa ay tamashle ku marayeen qayb ka mid ah gobollada dalka, iyaga oo ku dhuumanaya in ay u kuur-galayaan xaalada gobolladaas. Runtii anigu ma aan arkayn wax xaalad ah oo uu madaxweynuhu u kuur-galay, kaliyaata waxa aan arkayey uun madaxweynaha oo ay boqollaal nin hareero boodayaan, oo dariiqyada maraya isla markaana dadka salaamaya, taasina u kuur-gal xaaladeed ma’aha, waana astaan muujinasya heerka uu gaadhsiisan yahay dareenka dowladu iyo weliba damiirkooga geeriyooday.

Madaxweynuhu isaga oo mashquulsan oo aan dareensanayn xaaladda dhabta ah ee gobolladaas ka jirta ayaa uu yidhi: “ha loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen”. Tolow waa goorma goorta loo gurmanayo dadka ay abaaruhu gumaadeen, waa goor magaalooyinka qaar laga qaxay oo ay xattaa shimburuhu ka haajireen, waa goor nafo badan la waayey, waa goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen. Gurmadkii xukuumadda oo la mid ahaa “Saanbuuse laga eedaamay” ayaa ay xukuumaddu hadal ahaan ku sheegtay, laakiin illaa weli ma muuqato wax ficil ah oo lagu qanci karo oo ay xukuumaddu qaaday. Waana caddayn kale oo muujinaysa in ay xukuumaddu qofka bad-baadiso kadib marka uu dhinto!

Allaa mahad leh

Qalinkii: Maxamed Cabdiraxmaan Sharma’arke (Hisoori)

Sharmaake91@gmail.com

​ Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment