Beijing, 04 August, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sheegay in ururka argagxisada ee ISIL iyo taageerayaashooda lagu tilmaami karin muslimiin.
Wareysi uu siiyey telefishanka dalka Shiinaha oo xilligan uu booqasho ku joogo Madaxweyne Erdogan ayuu ku sheegay in diinta islaamku mamnuucday xagjirnimada, isla markaana ku baaqdo dhexdhexaadnimada.”
Erdogan ayaa sheegay in ereyga Islam macnahiisu yahay nabad, isla markaana diinta Islaamku ku tilmaantay dilka qofka in la dilay dhamaan bani’aadamka, sida Quraanka kariimka Ilaahay ku sheegay.
Mar uu ka hadlayey ficilada kooxda ISIL ku dhaqmaan ayuu sheegay inay tahay argagxiso, isla markaana aan xidhiidh la lahayn islaamka.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment