Saturday, August 8, 2015
Guddoomiyaha KULMIYE oo Ballanqaad ka helay Casuumad loogu Sameeyey Degmada Daarasalaam
Kaftankii Madasha la isku waydaarsaday iyo nooca ballan-qaad loo sameeyey Muuse Biixi
Daarasalaam, 08 August, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga haya talada dalka ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa Casuumad ujeeddooyin kala duwan xambaarsanayd loogu sameeyey degmada Daarasalaam ee gobolka Maroodi-jeex shalay.
Casuumaddaas oo gogosheeda ay fidiyeen Suldaan Xasan Suldaan Xiis Barre iyo Cuqaasha Beesha Cismaan Xuseen (Sacad Muuse), kana dhacday Beer Bustaan ah oo ku taal Dooxa Hora-haadlay oo ka tirsan Degmada Daarasalaam ee Waqooyiga Hargeysa, taasoo uu door wayn ka qaatay Maamulka degmada Daarasalaam, gaar ahaan Guddoomiyaheeda Maxamed Axmed Kibbaar, waxa lagu qaabbilay Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin ay ka mid yihiin; Wasiir Ku-xigeenka Maamulka degmooyinka iyo dawladaha hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Axmed Faarax Cadarre, Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan Cali Ramaax, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin, Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka tirsan Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka Axmed Xaashi Oday, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cilmi Aaden (Ilkacase Case) iyo xubno kale.
Ujeeddada Casuumaddan ayaa isugu jirtay hambalyeynta iyo dhiirigelinta Suldaan Xasan Suldaan Xiis Barre oo ah Wiil dhallinyaro ah la caleemo-saaray dhawaan ka dib markii uu geeriyooday Aabbihii Suldaan Xiis Barre iyo dardaaran dhinacyadu iswaydaarsadeen, waxaanna halkaasi la isku waydaarsaday warbixinno, kaftan siyaasadeed iyo ballan-qaadyo dhinacyadu kala qaateen.
Guddoomiyaha Degmada Daara-salaam Axmed Maxamed Kibbaar oo furay hadallo laga jeediyey madashaasi, ayaa sheegay in sababta ugu wayn ee casuumaddani tahay duco iyo dhiirrigelin la siiyo suldaanka cusub iyo tacsiyaynta geerida aabbihii oo uu ku tilmaamay tiir-wayn oo ka baxay bulshada, isla markaana iyaga maamul ahaan u tahay fursad ay baahiyahooda waxqabad ugu gudbiyaan Xisbiga iyo Xukuumaddiisa talada haysa.
Chief Caaqil Xaaji Yuusuf oo ku hadlayey afka Beesha Cismaan Xuseen, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha KULMIYE iyo Madaxda kale ee wehelinaysay aqbalaadda martiqaadka ay fidiyeen, kuna wargeliyey inay ku soo dhawaynayaan farxad, jacayl iyo niyad-sami dhab ah.
“Guddoomiye waxaannu kuugu yeedhnay duco adiga iyo xisbigaagaba ah, dardaaran aad nooga baahan tihiin annaguna idiinka baahanahay iyo isbarashada suldaanka cusub oo ah wiil yar oo aannu saarnay xilkii aabbihii oo ahaa tiir-culus oo baxay.” ayuu yidhi Caaqilku.
Waxa kale oo uu halkaasi kaga dhawaaqay ballanqaad kaftan ku ladhan yahay oo beeshiisu u qaaday Muuse Biixi, waxaannu yidhi, “Annaga reer Cismaan Xuseen oo ah beel ballaadhan, maanta danta loo kala hadhimaayo ee adigu (Guddoomiye Muuse) hawshaada waa sidaad uga soo baxdo, laakiin annagu waxaannu ku tusaynaa in aannu heeggan kuu nahay, waayo? Waad u qallantaa, kulamana simayno nin aannu shalay is-barannay oo soo raacay uun durdurradan iminka dareeraya, aniguse haddaynu is-qabanno nin baan ahay oo waan iska kaa celinayaa, balse wallaahi in aanan nin kale kuu dilayn.”
Suldaan Xasan Suldaan Xiis Barre, ayaa isaguna u mahadnaq weftiga iyo martida kale oo uu ka codsaday inay ugu duceeyaan xilka Alle inuu u fududeeyo, maadaama uu yahay nin da’yar oo arrimaha dhaqanku ku cusub yihiin, loona dulqaato wixii khalad ka dhaca ama laga taageero, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu haysto dardaaran Aabbihii uu sheegay oo ahaa in Muuse Biixi ahaa saaxiibkiisa koowaad.
Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo iyaguna ka hadlay casuumadda, ayaa mahadcelin kadib soo dhaweeyey ballanqaadka madaxdhaqameedka ee ku wajahan xisbiga iyo Guddoomiyahooda.
“Caaqil haddaad halgankii kula abtirsateen Guddoomiyaha oo aad tidhaahdeen cid aannu iminka is-baranay waxba nooma soo sido waanu idinku hambalyeynaynaa, taageeradana waanu idinka guddoonay, laakiin waxaan idiin sheegayaa annagu jabhaddii waannu wada ahayn Guddoomiyaha, saaxiibna waannu nahay, Guddoomiye-ku-xigeenna waan u ahay, markaa arrimaha taagan ee ah yaa la dooranayaa iyo yaa wax dooranaya, annaga qoladayada Barigu Guddoomiyaha Xaafaddiina ayuun bay uga shakisan tahay.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed.
Guddoomiyaha Ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday, ayaa ka sheekeeyey taariikhdii uu lahaa Marxuum Suldaan Xiis Barre, isagoo duco iyo dardaaranba siiyey suldaanka cusub.
Waxa kale oo Dr. Oday ku kaftamay oo yidhi, “Sida caaqilku yidhi oo kale, horta anigu waxaan ahay dadka Muuse iska celinaya, laakiin waxa uu iga guulaysan karaa idinka oo ballanqaadka aad u samayseen kaga rumeeya, waxaannan u markhaati furayaa inuu maanta haysto taageerada reerkan (Cisaan Xuseen), idinka ballankaa waa la idinka sugayaa.”
Wasiir-ku-xigeenka Maamulka degmooyinka iyo gobollada ee Wasaaradda Daakhiliga Md. Axmed Faarax Cadarre iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cilmi Aaden (Ilkacase), ayaa bogaadiyey Suldaanka cusub iyo guud ahaan shacabka degmada Daarasalaam, iyagoo uga warramay waxqabadka ay dalka ka samaysay xukuumadda xisbiga KULMIYE muddada shanta sanno ah ee ay xukunka haysay, waxaanay ballanqaadeen in degmadu helayso wixii ay xaq u leedahay ee awoodda dawladda ah.
Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa casuumaddaasi ka jeediyey hadal isugu jira mahadnaq, duco, dardaraan iyo waano, waxaannu xog-warran kooban ka siiyey xaaladda dalka iyo siyaasadda xisbiga iyo xukuumaddiisa eek u wajahan waxqabadka iyo qorshaha mustaqbalka ee doorashooyinku ka mid yihiin.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment