Saturday, August 1, 2015

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Ka Tacsiyeeyey Bulshada geerida Marxuum Ciise Garaad Soofe

Ujeeddo: Tacsi


Anigoo ku hadlaya xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, qaraabada, asxaabta iyo shacabka reer Somaliland, gaar ahaan Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe iyo dhammaan ilma Garaad Soofe, geerida Marxuum Ciise Garaad Soofe Dooraan oo ku geeriyooday dalka Denmark (01/08/2015).


Marxuum Ciise Garaad Soofe waxa uu ahaa oday kaalin wayn ka soo qaatay nabadayntii iyo walaalayntii dalka, isaogo ka soo jeeday qoys fac wayn ku leh dhaqanka iyo hoggaaminta.


Ilaahay waxaan uga baryayaa Marxuum Ciise Garaad Soofe inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, qoysaska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin…. Aamiin…. Aamiin.


ALLAH                 MAHAD             LEH


MUUSE BIIXI CABDI


Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE

No comments:

Post a Comment