Hargeysa August 17, 2015(Himilo)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka hadlay go’aanka laga sugayo Maxkamada Sare ee Somaliland.
Guddoomiye Ciro waxaa uu sheegay in maxkamada sare laga sugayo inay so afjarto khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, islamarkaana waxaa uu taageerayaasha xisbiga Waddani ugu baaqay in lagu dhawaaqi doono wakhtiga ay doorasho dalka ka dhici doonto,.
Guddoomiye Ciro maanta xafiiskiisa Golaha wakiilada Kula Hadlay saxaafada ayaa sheegay “Runtii la yaab bay tahay hadii la garnaqo, in la yidhaahdo tii aan anigu yidhi ayaa la qaadanayaa meesha kuma jirto, anagu go’aanka maxkamada waanu ixtiraamaynaa, iyadaana u madaxbanaan waxay soo saarayso, ma odhan karno kii guurtida ayay soo saaraysaa laakiin go’aanku waaka la sugayo, Hadii go’aanka guurtida la sugayo koodii ayaa la dayn lahaa ayay ila tahay Markaa waxaa la sugayaa maxkamada oo ah halkii umadu ku garnaqsanaysay”Ayuu Yidhi Guddoomiye Ciro.
Guddoomiye Ciro oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu intaasi ku ladhay “Waxaa soo afjarmi doona waxkhtigii aan doorashada la garanayn, waxaa la heli doonaa wakhti doorasho oo sugan oo soo afjara daba furnaantii doorashada, sidaa daraadeed waa in aynu u diyaar garownaa diwaangalintii iyo doorashadii”Ayuu Yidhi Ciro.
Guddoomiyaha Golaha wakiilada waxaa uu walaac ka muujiyay dilalka soo noqnoqday ee lagu toogto saraakiisha ciidamada iyo dilkii ugu dambeeyay ee ka dhaca saldhiga Ibraahim Koodbuur.
“Somaliland dhawr sifo oo caalamku ugu soo jeestay baa jiray, Nabadgalyada, dimuqraadiyada, saxaafada xorta ah, Dhawrista xuquuq aadamaha, Beryahan dambe arimo ay tahay runtii in laga murugoodo oo ciidanka dhexdiisa , saraakiisha iyo saraakiil ku xigeenadu dilal badani ka dhexdhaceen.Arintaasi waxay u baahantahay in si xaqiiqo oo dhab ah loo raadiyo oo la baadho sababta ugu wayn ee kaliftay.Dilku kumuu koobnaan ciidanka dhexdiisa waxaa ugu naxdin badnaa nin maxbuusa oo xidhan in la toogto, xukuumada waxaanu leenahay arinkaasi si adag haloo baadho si aanay meesha ugu baxin nabadii lagu majeeranayay Somaliland”Ayuu Yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro waxaa uu baaq u diray shacabka ku nool Buuhoodle isagoo sheegay in dhulka Somaliland aanay ka jiri Karin maamul goboleedyo isla markaana lagu xukumi doono dastuurka Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment