Sunday, August 23, 2015

Gudoomiye Cirro oo Godkiisa Biyo ugu galeen ka dib markii labadiisa ku xigeen ay Hakiyeen Xeer uu ku sanduleeyay Gobolka awdal

Baryahan waxa socotay xildhibaanada Awdal iyo salal inay golaha ka maqnaayeen sababtaay uga maqnaayeena ay ahayd in xeerkii doorashooyinka baarlamaanka la ansixiyay kuwaasi oo ay hore u diideen xildhibaanada Aqalka baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobolka awdal

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka baarlamaanka soomaaliland Baashe Muxumed Faarax waxa uu sheegay in xeerlaasi laga saaray golaha wuxuuna intaasi ku daray in gudi loo saaray oo soo sameeya xeer cusub oo doorashooyinka lagu galo ayaa la soo samaynayaa ayuu yidhi Gudoomiye baashe isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi saami qaybsiga Goluhu talo kama gaadhi karo ! Waxa loo Gudbinayaa in la qaato talo qaran ayuu yidhi gudoomiye baashe maxamed faarax

Wuxuuna intaasi ku daray oo uu faahfaahiyay talada qaran ee la iskugu imanayo aanay ahayn odayaal balse ay tahay qaybaha kala duwan ee xukuumada soomaaliland ka kooban tahay goloyaasha qaranka iyo hay,adaha dawlada ayaa loo gudbinayaa markaasaa go,aan laga gaadhayaa ayuu yidhi
Baashe maxamed faarax ayaa sidoo kale yidhi Xildhibaanada reer awdal iyo salal waanu ka xunaynahay inaan mar hore ka daba tagnaa bay ahayd wakhtiga uun baa qadaray inaynu maanta ka dhigno aad iyo aad ayaanu uga xunahay wixii dhacay Xildhibaano qaran weeyi.....

Waa laba Gobol oo gobolada soomaaliland ka mida wax la is maquuninayaa ma jirto ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka baarlamaanka soomaaliland

soomaaliland wada tashi iyo isutanaasul ayay ku soo dhisantay hadana taasaanu diyaar u nahay cid is maquuninayosa iyo cid isku xoog sheeganaysaa ma jirto sidaasina waxa yidhi baashe maxamed farax

Gabagabadii waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka baarlamaanka soomaaliland in maanta la soo afjaray xeerkii muranku ka taagnaa ee ay xildhibaanada gobolada awdal ay ku gacansaydheen wuxuuna xildhibaanada faray inay gutaan waajibaadkooda shaqo ,,,,

Isku soo wada duuboo gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliland ahna gudoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro ayaa dhawaantani si kas iyo maag ah golaha dhexdiisa ugu dhawaaqay in xeerkasi la ansixiyay oo uu iska indha tiray dhawaqii ka soo yeedhay xildhibaanada gobolka awdal oo cod dheer xeerkaasi ku diiday balse gudoomiye ciro dhag jalaq umuu siinin hase ahaatee labadii gudoomiye ku xigeen ee aqalka baarlamaanka soomaaliland ayaa xeerkaasi daaqada ka tuuray iyaga oo go,aankii ciro mid aan jirin ku tilmaamay oo xeerkaasi saami qaybsiga ay sheegeen inaanu golaha wakiilada u yaalinn balse xeerkaasi ayo u taalo hay,adaha dawlada iyo labada aqal ee baarlamaanka iyo guurtida

Fiiro Gaara" waxaana ilaa hada aan la ogayn waxa uu Gudoomiye Cirro ka yeelayo hadalada ka soo yeedhay labadiisa ku xigeen ee waxba kama jiraana ku tilmaamay xeerkii uu ku sanduleeyay Gobolka awdal waxaana xusid mudan in ay kala qaybsanaani dhex iman karto labada ku xigeen iyo Gudoomiye Ciro oo la isku khilaafo labada Go,aan ee ka soo kala yeedhay Gudoomiye Ciro iyp labadiisa ku xigeen


Diyaariye Nuux kadiye

Wariyenuuxkadiye@gmail.com
Tell: 0634531243
Boorama, Awdal

No comments:

Post a Comment