Saturday, August 8, 2015
Guryo loo dhisay Dadka Saboolka ee Jabuuti iyo Qaabka loogu qeybinayo
Jabuuti, 08 August, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa dhagax dhigay mashruuc guryo gaadhaya labba kun loogu dhisayo dadweynaha jilicsan ee dalka.
Mashruuca guryahan oo laga dhisayo xaafada Balbala ee caasimada Jabuuti ayaa loo qeybin doonaa dadweynaha jilicsan, oo lagu xuli doono inaanay hore u lahayn wax guryo ah, ama dhul ay degaan, xadiga dakhilooda iyo caruurta ay haystaan.
Mashuucan dhismaha guryahan loogu talogalay dadka jilicsan ee Jabuuti ayaa la sheegay dadka ku guulaysta bishii laga qaadi doono kiro gaadhaysa 40 dollar muddo labaatan sannadood ah.
Dhisitaanka guryaha ayaa sidoo kale la sheegay in laga qeybgelin doono dadka jilicsan si ay uga helaan masaariif ay qoysaskooda ku taageeraan.
Caasimada Jabuuti ayey ku nool yihiin dad lagu qiyaasay hal milyan, oo boqolkiiba 65% ka noqonaya tirada shacabka dalka Jabuuti.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment