Saturday, August 15, 2015

Hargeysa: Askari Dhaawacyo Halis ah gaadhsiiyey Maxbuuskii uu ilaalinayey iyo Faahfaahinta Dhacdada Sababtay Shilkan

Xog-warranka Waalidka dhalay Wiilka Dhalinyarada oo maanta loo qaadayo Cusbitaal Dibadeed

Hargeysa, 15 August, 2015 (Himilo)- Wiil Dhalinyaro ku xidhnaa Saldhigga Booliska ee Ibraahim Kood-buur ee magaalada Hargeysa, ayaa dhaawacyo halis ah ka soo gaadheen Rasaas ka dhacday Qori uu sitay Askarigii ilaalinayey, kaddib markii uu isku dayey inuu kala qabto Maxaabiis dagaal ku dhexmaray gudaha Qolka ay kaga xidhnaayeen Saldhigga.
Wiilka dhaawacyadu soo gaadheen oo lagu magacaabo Cabdilaahi Dayib Cabdi Gorse, isla markaana ahaa arday saldhigga loogu soo xidhay xaalad ammaan oo ka dhalatay shaqaaqo dhexmartay koox dhalinyaro ah, ayaa rasaastu kaga dhacday Lugaha, Gacmaha iyo Madaxa, waxaana isla markiiba loola cararay cusbitaalka guud ee Hargeysa oo xaaladdiisa caafimaad oo aad u culus lagula tacaalayey ilaa xalay.
Sida Falku u dhacay
Ma jiro war ka soo baxay ciidamada Booliska oo arrintan ku saabsan, haseyeeshee Ilo-wareedyo Wargeyska Himilo ka helay dhacdadan, ayaa sheegay in rasaastu ka qaraxday Qori uu sitay Askari ka tirsan Ilaalada Saldhigga oo isku dayey inuu kala qabto Maxaabiis ku dagaalantay gudaha Qolka ay kaga jireen Saldhigga oo wiilka dhaawacyadu soo gaadheen ku wehelinayey, kaddib markii uu Askariga qoriga dabadiisa ku dhuftay Albaabka birta ee qofka maxaabiista ku jirtay, taasina ay sababtay inay rasaastu ka qaraxdo qorigiisa, sidaasna ay rasaastu ku qabsatay Cabdilaahi Dayib Cabdi oo aan qayb ka ahayn dagaalka maxaabiista dhexmaray. Warku waxa uu intaas ku daray inay rasaastii ka qoraxday qoriga Askariga oo ilaa shan xabbo gaadhaysa wiilka kaga dhacday Lug iyo Gacan, halka rasaas ka soo noqotay gidaarka kaga dhacday Madaxa oo ay dhex-fadhiisatay.
Xogaha Himilo ka helay dhacdadan, ayaa sheegay in Askariga falkan sababay baxsaday, balse markii dambe ay ciidamada Boolisku soo qabteen gelinkii dambe ee shalay, isla markaana uu ku xidhan yahay Xarunta Ciidanka Dambi-baadhista ee magaalada Hargeysa.
Xaaladda Wiilka iyo Dhaq-dhaqaaqyadii Xalay
Wariye ka tirsan Wargeyska Himilo oo cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa booqday, ayaa indhihiisa ku soo arkay xaaladda caafimaad ee wiilkani culustahay, dhaawacyaduna kaga yaalaan saddex meelood oo kala ah Lug iyo Gacanta oo uu ka jaban yahay iyo Madaxa, taasina sababtay inuu galo xaalad miyir-doorsoon ah. Dhakhaatiirta Caafimaadka ee Cusbitaalka Hargeysa, ayaa xaqiijiyey inaanay waxba ka qaban karin xaaladda caafimaad ee wiilkan oo u baahan qalliin madaxa lagaga sameeyey sidaa awgeed loo qaado cusbitaal dibadeed.
Dayib Cabdi Gorse oo ah Aabaha Dhalay Wiilkan oo Weriyaha Himilo kula kulmay Cusbitaalka Guud, ayaa sheegay inuu Sabtida maanta ah wiilkiisa u qaadayo cusbitaal dibadeed, gaar ahaan dalka Jabuuti.
“Berri (maanta) ayaa la dirayaa, dalka Jabuutina waanu geynaynaa, dowladduna way soo dhammaysay wixii kharash ah iyo baasaaborkii, markaa waad arkaysaan oo Koomuu ku jiraa ee wax kale garan-maayee halay soo duceeyo,” ayuu yidhi Dayib Cabdi.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa todobaad kaddib hawl-gal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ciidamada Boolisku ka fuliyeen Xaafadda Jigjiga Yar ee degmada Ibraahim Koodbuur, taas oo sababtay dhimasha wiil da’yar iyo dhaawaca Shan qof oo kale, kaddib markii ciidamada boolisku rasaas ku fureen dad shacab ah oo aan hubaysnayn.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment