Waa arin ilaahay looga mahadnaqo, mar hadii uu ku siiyo hogaamiye wanaagsan oo mar kasta la jaan qaadka xaalada ay ku jiraan dadkiisa iyo dalkiisuba.
Waana astaamaha lagu garto inay umadi nasiib u heshay hogaaminta wanaagsan.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaanu leenahay mudane madaxweyne hadii aad noogu baaqday in laga wada qayb qaato qaylo dhaanta aabaareed ee ku habsatay meelo badan oo ka mida gobalada dalkeena, waanu qaadanay, diyaar ayaanu u nahay wax kasta oo laga qayb qaadanaayo.
Reer Somaliland maanta maalin ay ka ayaan iyo nasiib roon yihiin soomay marin, waxaan odhan lahaa ilmaadeeryaal numberkiina xejista oo waad fahanteena halkaas ka sii wada doorashada hogaamiye Axmed Siilaanyo mar kale iyo mar-saddexaadba
Somaliland sanadkaa maanta ah maalin ay rajo wanaagsan tahay ma jirto, Somaliland kaligeed ayey noolaan kartaa sida Taywaan oo kale. Ilaahayna cidla ma joojin ee geesiyaal dhabar adag ayuu u beeray.
Waxaan maqaalkayga ku soo koobayaa waad aragtaa in meel kasta oo Somaliland ka mid ah looga sacabo tumaayo madaxweyne iyo cid kasta oo la socota, qolyihii odhan jiray madaxweynuhu ma soo jeedo, intaas ayaa tusaale ugu filan.
Wa bilaahi tawfiiq.
Khaddar Cabdiraxmaan
No comments:
Post a Comment