Tuesday, August 18, 2015
Maxkamadda Sare oo Maanta ku dhawaaqaysa go’aanka Fasiraad Sharci oo Madaxweynaha Somaliland ka dalbaday
Waa maxay natiijada laga filayo go’aanka ay Maxkamadda sare ka soo saari doonto Khilaafka muddo-kordhinta Guurtida iyo Heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumada?
Hargeysa, 18 August, 2015 (Himilo):- Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa Salaasada Maanta la filayaa inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo Natiijada Fasiraad Sharci oo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) qoraal uu 8-dii bishan u gudbiyey kaga dalbaday, isla markaana la xidhiidhay inay fasiraad sharci ka soo bixiso Maxkamaddu Sharcinnimada go’aanka Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyey Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada iyo Heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumaddu wada gaadheen oo ay isku khilaafeen Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Guurtidu.
Sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen ila-wareedyo ka ag-dhaw Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, waxa qorshuhu yahay in Salaasada Maanta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof: Aadan Xaaji Cali Axmed si rasmi ah ugu dhawaaqo Fasiraadda Sharci ee Maxkamaddu kaga jawaabayso dalabkii Madaxweynaha Somaliland u gudbiyey iyo aragtiyaha dhinacyada ay kulammada kala duwan la yeesheen muujiyeen wixii muhiim ah, balse ila-wareedyada Wareysku soo xigtay may xusin nooca natiijada ama go’aanka Maxkamaddu ku dhawaaqi doontaa yahay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garyaqaannada Maxkamaddaas qaarkood oo weheliyey, ayaa kulammo is-daba-jooga oo gooni-gooni ah la kala yeeshay toddobaadkii hore illaa horraantii toddobaadkan Masuuliyiinta saddexda Xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo weliba Golaha Guurtida Somaliland, kuwaasoo uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare toddobaadkii hore markii warqadda Maxweynuhu gaadhay uu Wargeyska Himilo u sheegay inay kulammo wada-tashi iyo aragti wadaagis ah la yeelan doonaan dhinacyada ay arrimaha doorashooyinka iyo muddo-kordhintu khusayso.
Inkasta oo waxyaabaha ay dhinacyada Maxkamadda Sare la kulmay waxyaabaha ay ka wadahadleen si toosa u wada shaacin, haddana waxay Masuuliyiinta Xisbiyadu toddobaadkii hore markay kulanka Maxkamadda ka soo baxeen Saxaafadda u sheegeen inay Maxkamadda ku dhiirrigeliyeen in Maslaxadda dalka iyo dadka la eego, isla markaana muddo-kordhinta lagu saleeyo xilliga ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu isla qaateen oo Guddiga doorashooyinkuna sheegeen in doorashada ay ku qaban karaan ee 15-ka bisha December sannadka 2016-ka.
Sidoo kale, Ururrada Bulshada Rayidka ah, ayaa sheegay kulanka ay la yeesheen Khamiistii inna dhaaftay, inay talo-bixin ku siiyeen Maxkamadda Sare la xidhiidha arrimaha dimuquraadiyadda, aaraahda bulshada iyo aragtida Beesha caalamka ee dhinacyada geeddi-socodka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka ka taageera Somaliland, waloow aanay fasiraad dheeraad ah ka bixin qodobbada ay u gudbiyeen.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment