Brussels, 06 August, 2015 (Himilo)- Midowga Yurub ayaa taageero dhaqaale gaadhaya € 12 million yaboohay inay ku caawinayaan wax ka qabashada dhibaatada bani’aadminimo ee haysata shacabka Yemen, taasoo laba milyan oo ka tirsan gaar looga dhigay qaxootiga Yemen oo magangelyada soo weydiisatay wadamo Jabuuti, Somaliland iyo maamulka Puntland ku jirto.
Mr Christos Stylianides, wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha gargaarka iyo aafooyinka dagaalada oo shalay kaga dhawaaqay taageerada yaboohan magaalada Brussels, ayaa sheegay,"Xaalada dhibaatada bani’aadminimo ee Yemen waxay gaadhay meel xasaasi ah, oo haatan boqolkiiba 80% dadku taageero u baahan yihiin wakhtigan. Wa ain xabad-joojin degdeg ah dhinacyada dagaalamaya ku dhwaaqaan, si loo badbaadiyo shacabka.”
Taageeradan gaadhsa € 12 million, 10 million ka mid ah waxa loo adeegsanayaa cunto, dhinaca caafimaadka, biyaha , faya-dhwrka iyo agabka lama-huraanka ee dadka jilicsan ee shacabka Yemen. Labada Milyan ee hadhay, hal milayn qaxootiga ku soo cararay Jabuuti, halka milyanka kale loogu qab doono baahiyaadka aasaasiga qaxootiga Yemen ee soo gaadhay Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland.
Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha gargaarka Stylianides ayaa sheegay in qaxootiyada ka soo cararay dagaalada Yemen culays ku noqdeen dhaqaalaha koobnaa ee wadamada ay yimaadeen haysteen.
Talaabada taageerada Midowga Yurub ee qaxootiga ee ku sugan waddamo Somaliland ka mid tahay ayaa ku soo beegamaya cabasho maalmahii u dambeeyey ka sheeganayeen qaxootiga Yemen eek u sugan Hargeysa hay’adaha qaxootiga qaabilsan sida UNHCR, oo ay sheegeen inaanay haba yaraatee waxba ka qaban baahiyaadkooda asssasiga, iyo xuquuqahii ay xaqa u lahaayeen helitaankooda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment