Saturday, August 15, 2015
Musuqmaasuq ka taagan Berbera oo Cirka isku shareeray, Maayer Cidin oo eryey Xisaabiyihii dawladda Hoose iyo Xildhibaan ka hadlay
Berbera, 15 August 2015, 2015 (Himilo)- Xildhibaan Maxamed Cali Dheere oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Berbera, ayaa ka hadlay fadeexad ka taagan Mashruuc la sheegay in laba boqol iyo Siddeetan kun oo Doollarka Maraykanka ahi ku baxayso oo la siiyey Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo Guddoomiye u ah Guddiga daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, kaasoo la sheegay inuu ku dhiraynayo Berbera.
Xildhibaan Maxamed Cali Xaaji Axmed (Ina-Cali-dheere) oo Jimcihii shalay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil Saxaafadda qaarkeed kula hadlay, ayaa sheegay inay sharci-darro tahay in lacag dhan laba boqol iyo sidddeetan kun oo Doollar oo afartan kun oo doollar oo horumarin u ah Mashruucaas Jeegga uu ku qornaa fashilmay, isla markaana sababay in Maayerka Berbera Cabdishakuur Cidin uu xilka ka qaado Xisaabiyihii dawladda hoose ee Berbera Cabdikhaaliq Awal-Bari, ka dib markii Jeeggaasi dibedda u soo baxay.
“In Xildhibaannadii Magaaladan loo soo doortay dib dillaaliin uga noqdaan waa ceeb. In Xildhibaannadii Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada gobolkan Saaxil ugu jiray ay magaalada u yimaaddaan inay dillaalaan iyaduna waa ceeb. Arrintan afar Xildhibaan oo aannu isku beelnahay, ayaa waday oo afar cisho is-daba-meeraysanayey oo aad moodaysay inay magaalada Jawharad ka qaadanayaan. Aniga illaa xalay (habeen-hore) Su’aal baa igu socotay oo waxa la ilahaa ma adigii baa magaalidii guranaya? oo Xildhibaanka la yidhi lacagtan leh Maxamed Cali baa la yidhaahdaa, dabadeedna waxaan lahaa bal magaca saddexaad eega aniga maahee.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaanku.
Waxaanu Xildhibaan Maxamed Cali Dheere oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay; “Mashruuca dhiraynta ee la leeyahay magaaladaa la dhiraynayaa, Mashruuc 12 Milyan oo Lacagta Somaliland ah ka badan oo aan Golaha deegaanka la hordhigini horta waa xaaraan. Haddii dhibaato maaliyadeed ay meesha timaaddo Guddiga Maaliyadda ee golaha Deegaanka ayay shaqadooda tahay, waana inta ay Odhad diraan baadhaan oo waajibkooda gutaan.”
Maxamed Cali DHeere oo ka hadlayey Mashruucan dhiraynta ah, waxa uu yidhi; “Tan Dhiraynta, waxa la sheegayo ee la innoo beerayaa waa Dhamas, Dhamastuna sida Tiinka ayey Berbera uga baxdaa Lacagta xaddigaa le’eg ee 280,000 (laba boqol iyo siddeetan kun) oo Doollar Dhamas baa lagu beerayaa Caqliga Dadka Mentelka (Cusbitaalka Dhimmirka) ku jira ayaan yeelahaynin, wax degmada iyo dawladda hoose ka go’ana maaha, Lacagtii waddada lagu sameeyey ayay degmadu ka soo kaban la’dahay. Xildhibaannada afarta ah ee degmadan laga soo doortay ee hawshan dillaaliinta ka ahaa waa ceeb taariikhdu qori doonta. Maamulka degmada ee arrintan deg-degga u fuliyey-na wuu fududaaday waa arrin kale oo ceeb taariikhi ah weeye.”
Waxa uu Xildhibaanku intaas ku sii daray; “Magaaladu waxa joogta Wasaaradda Dhirta iyo Deegaanka oo Xafiis Isu-duwe u joogo ku leh, waxba kama oga arrintan. Nin degmada ku qoran baa jiray oo dhiraynta qaabbilsanaa oo la wada garanayo, ninkaas maalin dhawayd Shaqadaa laga eryey, haddana waatan lagu leeyahay Shaqadiisii Mashruul laba boqol iyo siddeetan kun oo Doollar ah.”
“Mashaariicda dawladaha hoose waa laba qaybood, qaybi waa Mashaariicda Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Hay’adaha caalamku innaga caawiyaan oo Qandaraasyadooda marka la bixinayo tartan baa loo galaa cid uun baa ku guulaysata oo si cad oo la wada yaqaanno ayey u fushaa. Waxna waa wax golaha la horkeeno oo la ansixiyo wixii ay ku baxayso lacag ka badan 12 Milyan oo Shilinka Somaliland ah waa in Golaha la horkeenaa. Mashruuc marka la qabanayana waxa weeye in wixii marka la fuliyo Lacagta la bixiyaa. Haddii Cid wax la siinayo oo Shaqsi inta uu magaalo kale ka yimaaddo daqiiqado Mashruuc intaas le’eg loogu dhammaynayo Xildhibaannadii Golaha ku jiray qaarbaa buka oo Cusbitaallo iyo Caafimaad u baahan oo cid walba kaga xaq leh haddii cid la naas-nuujinayo.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali Dheere.
Fadeexaddan, ayaa qaraxday markii Jeeg ay ku qoran tahay lacag dhan saddex Boqol oo Milyan oo Shilinka Somaliland ah, isla markaana ku qoran yahay Guddoomiyaha Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo Obama lagu naanayso uu si qalad ah u raacay Cabdiwahaab Aw Caqli oo Ganacsade ah oo Jeegag lacageed ka qaatay Waaxda Maaliyadda dawladda Hoose ee Berbera, kaasoo markuu arkay in Jeeg qalad ahi la socdo Jeegaggiisa dib ugu celiyey Jeeggaas Waaxda Xisaabaadka ee uu ka soo raacay, balse uu Maayerka Berbera Xabsiga u taxaabay habeenkii khamiistu soo galaysay, inkasta oo dammaanad lagu siidaayey isla habeenkaas-ba.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo Habeenkii Khamiistu soo galaysay Wargeyska Himilo khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey waxa ka jira arrintaas isagoo Berbera ku sugan, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo warkan, isla markaana ku dooday inaanu waxba ka ogeyn warkaas iyo lacagtaas toona.
Balse waxa cad inay arrintani Golaha Wakiillada iyo Guddiga uu Guddoomiyaha u yahay ee daba-galka hantida Qaranka fawaaxish iyo fadeexad ku tahay, sidoo kalena ay sidaa si la mid ah ugu tahay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) iyo Xildhibaannada Golihiisa ee hawshan qaybta ka ahaaba, waxaana taas loo daliishan karaa tallaabada uu Maayerka Berbera Shaqada kaga eryey Xisaabiyihii dawladda Hoose ee Berbera oo muddo dheer shaqadaas soo hayey Maayerro badanna la soo shaqeeyey.
Maayer Cidin oo Wargeyska Himilo isku dayey inuu arrintan dhiniciisa wax ka weydiiyo, ayaa Taleefankiisu xidhan yahay inta badan dhawrkii habeen ee arrintani taagnayd, mararka qaarna naga qaban waayey, waxaana haddii Mashruucani sax yahay aanu ku deg-degeen tallaabada uu ka qaaday Xisaabiyihii dawladda Hoose Cabdikhaaliq Awal-Bari, kuna magacaabay Xisaabiye kale oo isaga beddelaya, jeeggaa kashifmay awgii.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment