Wednesday, August 5, 2015
Nuxurka Kulan Ay Wadayeesheen Madaxwaynaha Puntland Iyo Ku Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliya.
Garowe August 5, 2015(Himilo)-Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay ku xigeenka cusub ee wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Peter de Clerec iyo wefti uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.
Kullan gaar ah oo ay wada qaateen ayaa waxaa ay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya , hawlaha muhiimka ah ee Qaramada midoobay ka wado gudaha Puntland iyo sidookale arrimaha dimuqraadiyada sidii looga wada shaqeyn lahaa , maadama Puntland ay qaaday dhabadii dimuqraadiyadda iyo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan.
markii uu kulanku soo dhamaaday ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta qeybaheeda kala duwan ula hadlay Madaxweynaha iyo ku xigeenka cusub ee wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Peter de Clercq , waxaana ay sheegen in kullankii ay wada qaateen uu ku soo idlaaday guul iyo is afgarad.
” Waxaanu ka wada hadalnay taageerada Qaramada Midoobay ee Puntland , hanoqoto xagga bini’aadanimada , arrimaha nabad-gelyada iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa dawladdnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadda ” Ayuu yidhi Madaxweyne Gaas.
Peter de Clercq ayaa dhankiisa Puntland ku amaanay horumarka baaxadda leh ee ay gaadhtay, waxaana uu ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, isagoona tilmaamay in Qaramada Midoobay ay sii wadayso taageerada dhinackasta ah ee ay siiso Soomaaliya .
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment