Shacabka Somaliland inta ku nool guddo iyo dibad ayaa ah dad dun ah oo jecel nabada, horumarka, deganaanshiiyaha iyo xasiloonida dalkooda waxayna dhegahoodu neceb yihiin in ay maqlaan colaad iyo isqabqabsi doorasho.
Olale iyo halgan adag oo uu soo galay xisbigii mucaaradka ahaan jiray ee kulmiye haatana ah xisbul xaakimka kulmiye ee ay ka dhalatay xukuumadu, ayaa waxa lagu xasuustaa markii uu ku jiray olalaha siyaasadeed in uu dadka hortooda ka akhriyi jiray buug cagaaran oo ay ku soo dhoob dhoobeen waxayna hirgalinayn oo ay ku doonayeen oo kali ah kursiga in ay ku fadhiistaan illaahayna taa wuu ku guuleeyay. Laga soo bilaabo 2010 bishii toddobaad waxa dalka gacanta ku dhigay xisbul xaakimka kulmiye oo madaxweyne Axmed Siilaanyo ahaa hogaamiyahoodii ruuxiga ee kulmiye iyo saylici oo ahaa ku xigeenkiisa kuna guulaystay in ka badan 50%.
Raxlayn iyo kuclayn ka dib waxa nafahoodii ku waayay dad badan oo magac lahaa waxa lagu naafeeyay qaar badan oo hadda jooga waxayna noqdeen abaal laawayaal aan loo baahnayn markii la hantay kursiga.
Isma lihi inan rag in uu yahay wax ma tare waayo xukuumad kasta oo dalka soo martay waxbaa lagu xasuustaa ha yaraato ama ha badnaato meel intay ka qaado ayay meel gaadhsiin jirtay iyadoo ay jireen xukuumadihii hore duruufo adag oo haystay.
Xukuumada Axmed Siilaanyo markii uu qabsaday dalka waxa uu dardar galiyay nidaam u eg dawladnimo wuxuu inoo hagaajiyay qaar ka mid ah xafiisyada wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah wuxuu inoo ballan qaaday in uu garsoorka iyo caddaalada uu kor u qaadayo taana wali kama hayno oo caddaaladdii in ay halkii ka sii hoos marto mooyaane kamay rayn inkastoo imika uu jiro isbadal oo dhawaan la magacaabay nin dhalinyaro ah oo loo hanweyn yahay waa haddii laga daayo faro galinta.
Haddaan dib ugu noqdo cinwaankayga Nin boqor ah ayaa lahaan jiray digaado faro badan oo lagu qiyaasay 300 oo midh oo uu ku dhaqo qasriga uu ku noolaa.
Waxaanu uu ugu talo galay dhaqashada digaaga si uu beedkooda uga faa’idaysto badhna adeega digaaga uu ugu daryeelo badhna masaariif uu ugu dhigto, wuxuuna beedkooda u iib gayn jiray dalalka jaarka ay yihiin, Ninkii boqorka ahaa ayaa dadkii deegaanku ay ugu magac dareen “Boqorkii Digaaga”.
Waxaa dhacday in digaagii boqorku ay soo dhaafeen qasrigii ayna soo galeen faras magaalihii ama suuqii dadwaynaha, waxaana cabasho balaadhan ka muujiyay dadkii ku ganacsan jiray suuqa oo khaati ka istaagay saxaradii digaaga.
Waxaana boqorkii u tagay guddi ganacsato ah oo boqorka kala hadlaysa SAXARADA digaaga, guddi ka kooban niman masuuliyiin ah ayaa u tagay boqorkii waxayn ku yidhaahdeen “ Mudane Boqor waxaanu kaa codsanaynaa in digaagii ay soo dhaafeen halkaad ugu talo gashay oo ahayd qasriga waxayna hadda naga kharibeen goobihii aanu ku ganacsan jirnay oo nadaafad daro nagu soo kordhiyeen oo meel walba saxaro ay ka buux dhaafiyeen, markaa waxaanu ku leenahay halkooda kusoo dabaal digaagan’
Boqorkii ayaa yidhi “waan ka xumahay in ay sidaa yeelaan digaagaygu waxaad keentaan talo aan ku illaaliyo oo ayna idinkana idiin dhibin billicdana ayna waxba u yeelin”
Waxay ku yidhaahdeen “boqoraw waxaad samaysaa Bisad kuu ilaalisa digaaga ayaanu sariibada kaaga soo qaban oo waliba aamin ah”
Boqorkiin arrintii ayuu la qaatay oo yidhi waa talo fiican ee ii soo qabta BISAD aamin ah oo ilaalisa digaagayga sidaa ayuu ku qaatay taladii guddidii u timid.
Guddidii waxay boqorkii u keeneen bisad u ilaalisa digaaga sidii ayuu kaga guddoomay oo basadii loo qabtay xaflad xil-wareejin ah oo ka dhacday qasrigiisii.
Waxa maalintii labaad shaqadii si rasmi ah u bilaabay BISADII loo keenay boqorka waxayna maalintii markay cadceedu dhacday la tiriyay digaagii waxa maqan xabad digaagad ah, waxa arroortii iyo galabtii la samayn jiray in la tiriyo digaaga in uu dhamaytiran yahay iyo in kale.
Cajiib bisadii aaminka ahayd ee loo keenay boqorka waxay samaysaa maalin walba oo cadceedu dhacdaba waxay cuntaa midh digaagad ah waxayna digaagii ku dhamaysay siday maalinba xabad u cunaysay.
Waxaa faro madhnaan soo istaagay “BOQORKII DIGAAGA” wuxuu halkaa ka bilaabay calaacal aan dhamaad lahayn “anigay ii keeneen bisad tuugad ah oo aan waxba hanbaynayn, Tolaay yaa reer hebalaay” ayuu bilaabay boqorkii oo wuxuu yidhi qasrigii ayaa la igu haystaa oo la rabaa in la iga saaro inta digaagaygiina loo samaystay BISAD cunta.
Guntii iyo gabo gabadii dulucda sheekadu waxaan filayaa waad fahanteen umana baahna fasiraad intaa kasii badan waxaana xoolahaaga loo dhiibtaa cid aad kala xisaabtami karto oo ah qof daacad iyo karti leh oo aan marnaba kaa masuugayn waxaaga.
Haddii kale waxaad noqonaysaa sidaa boqorkaa bisada digaaga u dirsaday ee maalinba siday xabad u liqaysay ka dhamaysay sheekaduna waa “BISAD HILLIB U DHIIBO”
W/Q: Kamal Sh Ismail
Email: Shihaab25@hotmail.Com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment