Sunday, August 2, 2015
Shirkadda Daabacadda ee Sagaljet oo Si weyn Uga Dhex muuqatay Carwada Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa
Hargeysa, 02 August, 2015 (Himilo)- Shirkadda Daabacadda Buugaagta iyo Boodhadhka kala duwan ee Sagal Jet, ayaa si weyn uga dhex-muuqatay Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeisa International Book Fair oo shalay ka furantay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay lagu soo bandhigay Buugaag kala duwan oo Macluumaad kala geddisan xambaarsan.
Waxaa Goob-joog ka ahaa furitaanka Carwadaasi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Musharraxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga UCID, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Xildhbaanno Golayaasha Baarlamaanka ka tirsan, Wakiillo ka socday Hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ku sugan, Qorayaal, Suugaanyahanno iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Shirkadda Sagal Jet halkaasi ku soo bandhigtay nuqullo ka mid ah Buugaagtii ugu badnayd ee ay daabacday, isla markaaana lagu daabacay dalka gudihiisa. Buugaagta ay daabacday Shirkadda Sagal Jet waxa ka mid ahaa Buugaag laga qoray Taariikhda Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (X. C/Waraabe), Faarax Oomaar, Maxamuud Axmed Cali, Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Ibraahim Gadhle, Cabdi Qays, Xasan-Ganay iyo kuwo kale oo badan oo ay Shirkaddu daabacday.
Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta Carwadaas Buugaag caalamiga ah ee Hargeysa, gaar ahaan goobta isla Carwada ee ay Shirkadda Sagal Jet ku soo bandhigtay waxyaabaha ay daabacday, ayaa xusay in ay Shirkaddu wax badan oo dalka dibeddiisa loo tagi jiray gudaha Somaliland ay ku qabatay, isla markaana ay sahashay in si dhib yar qofka u baahdaa dalka gudihiisa ugu daabacan karo Buugaag iyo wixii la mid ahba, halkii wakhti badan ay dadka hore uga qaadan jirtay hawsha daabacaaddu.
Muuna Axmed Cumar oo ah Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Sagal Jet, ayaa sheegtay inay shirkaddu mar walba u taagan tahay sidii ay wax ula qaban lahayd Bahda Qalinka iyo Qoraalka, isla markaana ay soo dhaweynayaan qof kasta oo wax qori kara iyada oo aanay Shirkaddu wax culays ah saari doonin, waxaanay intaasi ku dartay in ay ka caawin doonaan dhinacyo badan.
Guud ahaanba dadweynihii kale ee iyaguna Carwadaas Buugaagta ka qaybgalay, ayaa la dhacay qaabka quruxda badan ee ay Shirkadda Sagal Jet u daabacdo Buugaagta kala duwan ee in badan oo ka mid ah lagu soo bandhigay Carwada Buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa oo shalay si rasmi ah uga furantay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa oo ay ka sii socon doonto maalmaha soo socda haddii ALLAAH idmo.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment