Sunday, August 9, 2015

Wasaaradda Waxbarashada oo Amar ka soo saartay xilliga la furayo Dugsiyada Dalka oo wakhtigii hore laga beddelay

“Waxaan la aqbali karin oo aan la yeelayn Iskuul bisha 8-aad furan. Wareegtadaasi maantadaa (shalay)  ayay ku dabbaqan tahay ee maaha wax sannadka dambe loo dhigayo…” Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada oo Akhriyey Wareegto Wasiir Geedoole soo saaray

Hargeysa, 09 August, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Waxbarasjada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa amar ku bixisay inaan Dugsi gaar loo leeyahay iyo mid dawladeed toona la furi karin waxa ka horreeya 1-da bisha sagaalaad sannad kasta, halkii hadda ka hor la furi jiray bilawga bisha siddeedaad marka ay Ardaydu soo dhammaystaan labada bilood ee Fasaxa ah ee la galo marka Imtixaanka Shahaadiga ah dhammaado sannad kasta, hase-yeeshee, waxay Wasaaraddu sheegtay in nidaamkaas la beddelay.

WASIIIR KU-XIGEENKA WAXBARASHADA SOMALILANDWareegto Wasiirka Waxbarashadu dhawaan soo saaray, ayuu ku sheegay in lagu hor istaagay Iskuullada gaarka loo leeyahay oo la furi lahaa bilawgii bishan August, waxaana dib loo xidhay Dugsiyada qaar furmay, sidaa ay ku sheegeen Shir Jaraa’id oo ay si wada-jir ah ugu qabteen Wasaaradda Waxbarashada xarunteeda magaalada Hargeysa, Wasiir Ku-xigeenka, Agaasimaha Waxbarashada gaarka ah iyo Guddoomiyaha Waxbarashada ee gobolka Maroodi-jeex qaybta Bari ee Wasaaraddaas. Waxaanay Saxaafadda u akhriyeen Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka.

Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Somaliland Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, ayaa akhriyay Wareegtada Xafiiska Wasiirka ka soo baxday. “Maanta (shalay) waxaannu halkan u fadhinaa Wareegto ku socota hab-sami u socodka Waxbarashada dalka, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladab. Waxaannu hore u sheegnay in sannad-dugsiyeedka la bilaabi doono bisha Sagaalaad kowdeeda. Waxaannu ka soo saarnay Wareegto ku socota guud ahaan bahda Waxbarashada.

Wareegtadaasina waxa ay ka odhanaysaa:- ‘Markii Wasaaradda Waxbarashadu la tashi badan samaysay, waxa lagama maarmaan noqotay in Wareegtadan la soo saaro ka dib markii cabasho faro badani ka timid bulshada ay Carruurtoodu dhigtaan Dugsiyada.

Furitaanka Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawligaba isku mar ayay furmayaan, waana bisha sagaalaad kowdeeda sannad walba. Imtixaanka teeramka hore ee naqliga ah waxa uu noqonayaa 25 December illaa 7 January inta u dhaxaysa, 8 bisha koowaad illaa 30-ka bisha Dugsiyadu fasax ayay ahaanayaan waana teeramka hore Imtixinaankaasi.

Imtixaanka Teeramka dambe ee naqliga ahi waxa uu bilaamayaa kowda Juun. Imtixaanka shahaadiga ah ee fasaallada 8-aad iyo kuwa sare, waxa ay noqonayaa inta u dhaxaysa 15 Juun illaa 30-ka Juun labada bilood ee 7-aad iyo 8aad fasax ayay noqonayaan. Waxaan la aqbali karin oo aan la yeelayn Iskuul bisha 8-aad furan. Wareegtadaasi maantadaa (shalay) ayay ku dabbaqan-tahay ee maaha wax sannadka dambe loo dhigayo’.”

Wasiir Ku-xigeenka, ayaa hadalkiisa ku daray; “Haddii uu jiro iskuul furani maanta waxa uu raacayaa Wareegtadaas oo ah in kowda bisha sagaalaad la furayo Iskuulka, Kormeerayaasha iyo Agaasimayaasha Wasaaraddu way wareegayaan, haddii ay soo arkaan Iskuul furan, marka koowaad waxa xumaanaya xidhiidhkii innaga dhexeeyey waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.” ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Somaliland.

Waxa uu sheegay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashadu in Wareegtadan ka soo baxday Xafiiska Wasiirku ku socoto dhammaanba Hay’ada Ammaanka, Guddoomiyeyaasha gobollada iyo Kormeerayaasha Waxbarashada Somaliland, kalana shaqayn doonaan Wasaarad ahaan sidii loo ilaalin lahaa Dugsiyada la furayo wakhti aanay Wasaaraddu cayimin oo ka horreeya bisha sagaalaad, waxaanu yidhi; “Wareegtadani waxa ay ku socotaa Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska iyo Taliye qaybeedyada gobollada oo ay la shaqeeyaan Kormeerayaasha iyo Agaasimayaasha Wasaaraddu.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment