Thursday, August 6, 2015

“Waxaan u sharaxanay Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa”

Hargeysa, 06 August, 2015 (Himilo)- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa sheegay inuu u sharraxan yahay isla markaana isu-taagi doono Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada.

indhoi indhoXildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo shalay war-fidiyeennada kula hadlayey  Hargeysa, waxa uu sheegay inuu yayay u taagan xilka Madaxweyne ku-xigeenka marka uu madaxweyne Siilaanyo dhammaysto muddo-xileedkiisa.

“Waxaan u sharaxanay Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa Marka uu madaxwaynaha Somaliland haakah ka yidhaahdo Xilkiisa. Ninka ay golaha Dhexe ee Kulmiye soo saaro ayaan madaxwayne ku xigeen u ahay,

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Beeshu (Sacad Muuse) iyadii baa shiraysa oo leh marka uu haakaha yidhaahdo Odaygu ayaanu fuulaynaa,aniguna waxaan is idhi,iyaguna cod badan ayay leeyihiin ana cod badan ayaan leeyahay oo deegaanadii aan doorashadu ka dhici jirin oo laga codaynayo ayay arki doonaan oo ah dadkii aanu matalaynay ah,qofna kaligii meel ma istaago.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment