Wiilkan Soomaali-Bantu-ga ah oo 19-jir ah ayaa ku dhashay xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, gaar ahaan Xerada Dhagaxley, wuxuuna Mareykanka tagay isgaoo 8-sano jir ah.
Tababarka uu Cabdi Maxamed Qaatay ayaa ah midka ugu adage e ay ciidanka Mareykanku qaataan, isagoo tababarka ku qaatay saldhigga ciidamadaas ay ku leeyihiin Magaalada San Diego, California.
Sidoo kale, Tababarkan ayaan ahayn mid ay qaataan ciidamada oo dhan, balse waxaa loo xulaa ciidammo gaar ah oo kasoo bixi kara tababarka, iyadoo hore ay tababarkan oo kale u soo qaateen Soomaali fara ku-tiris ah.
Ugu dambeyn, Ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa ah ciidamada ugu awoodda badan ciidamada Mareykanka oo dhan, iyagoo ay ka mid yihiin ciidamada ilaaliyaa safaaradaha Mareykanka ay ku leeyihiin Caalamka oo dhan.



Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment