Sunday, August 16, 2015

Wiilkii 2 oo todobaad gudihii ku geeriyooday Gacanta Ciidanka Booliska iyo Xildhibaan Dhaliilay Hoggaankooda

“Waa arrin khaldan oo xukumaddu ku ceebaysan tahay, waana in si degdeg ah arrintaasi wax looga qabto” – Xildhibaan Xasan Cawaale

Hargeysa, 16 August, 2015 (Himilo)- Alle ha u naxariistee waxa subaxnimadii hore ee shalay ku geeriyooday cusbitaalka Guud ee Hargeysa Marxuum Cabdilaahi Dayib Cabdi Gorse oo dhaawacyo cusub ka soo gaadheen rasaas uu ku furay Askari ka tirsan ilaaladda Saldhigga Booliska ee degmada Axmed-Dhagax ee magaalada Hargeysa.
Marxuum Cabdilaahi Dayib Cabdi oo ahaa wiil dhalinyaro ah, ayaa ka mid ahaa Maxaabiis Saldhigga Booliska ee Ibraahim Kood-buur loogu xidhay rabshado dhexmartay koox arday, waxaanay rasaastu ka qabtay saddex meelood oo gacmaha, lugaha iyo madaxa ah, kaddib markii Askariga oo Isku dayey inuu kala qabto laba ka mid ah maxaabiistii qolka ku jirtay oo dagaal dhexmaray rasaasta ku riday, sida uu sheegay taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.
Marxuum Cabdilaahi oo xaaladdiisa caafimaad lagu baxnaaniyey cusitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa lagu waday in maalintii shalay loo qaado waddanka Jabuuti.
Dhacdada galaafatay nolosha wiilkan, ayaa ku soo beegantay todobaad kaddib hawl-gal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ciidamada Boolisku ka fuliyeen Xaafadda Jigjiga Yar ee degmada Ibraahim Koodbuur, taas oo sababtay dhimasha wiil da’yar iyo dhaawaca Shan qof oo kale, kaddib markii ciidamada boolisku rasaas ku fureen dad shacab ah oo aan hubaysnayn.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee golaha wakiilada, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, ayaa ka hadlay hab-dhaqanka ciidamada Booliska iyo dhacdooyinkii u dambeeyey oo uu ku tilmaamay mid ay xukuuumadda talada haysa ku ceebaysan tahay, waxaanu sheegay inay Gole ahaan u yeedhi doonaan Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan si uu tafaasiil uga bixiyo sababaha keenay dhalinyaradaas ku dhimatay gacanta booliska.
“Waxaa iska daba imanaya dilal badan oo si khaldan u dhacaya, islamarkaana ay masuul ka tahay xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa xabad dhafoorka lagaga dhuftay inan yar oo 11 jir ah, waa arrin khaldan oo xukumaddu ku ceebaysan tahay, waana in si degdeg ah arrintaasi wax looga qabto. Aduunyadu way ka ooydaa, way ka ilmaysaa, way ka cabataa haddii caruur la laayo. Maalin dhawayd inan yar oo 11 jir ah ayaa la dhaawacay oo aduunyada oo dhan baa ka wareertay. Waxaan leeyahay xukumaddu dib ha iskugu noqoto gacanta fududna ha dayso,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale oo shalay la hadlayey warbaahinta.
Xildhibaanku waxa uu dhaliilay hoggaanka ciidanka Booliska, waxaanu yidhi, “Waxaan leeyahay taliyaha booliska iyo dadka kaleba, waar taliyaha booliskow ma ciidankaaga ayaan tababarayn, ma adigaa waxan ugu wacan. Runtii taliyaha booliska waanu u yeedhaynaa, sababaha falalkan argagixisada ah keenaya aad baan uga waraysan doonaa.”

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment