Thursday, September 3, 2015
Guddiga doorashooyinka Somaliland oo Tijaabo qarsoodi ah ku sameeyey diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha
Waa maxay sababta Guddiga doorashooyinka Qaranku Saxaafadda uga qariyeen tijaabada agabka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Somaliland, Xisbiyadu-se wax ma ka ogaayeen?
Halkay ku dambaysay Wacyigelintii diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ka horreyn lahayd ee Guddiga doorashooyinku shaaciyeen inay bilaabantay?
Hargeysa 03 September, 2015 (Himilo)- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa la sheegay inay tijaabo qarsoodi ah oo ay ku tijaabiyeen diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo la filayo inay dhawaan dalka ka bilaabanto shalay ka sameeyey xaruntooda guud ee magaalada Hargeysa.
Xubnaha Guddiga doorashooyinka, Xubno dhinaca Farsamada qalabka lagu galayo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ah iyo Masuuliyiin la sheegay in Komishanku ka casuumay Xisbiyada siyaasadda ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa la sheegay inay shalay ka wada-qaybgaleen kulanka lagu tijaabiyey qalabka lagu geli doono diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka soo socda.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Guddiga doorashooyinka iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka toona oo ku saabsan tijaabada diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, isla markaana marar badan oo aannu isku daynay inaannu dhinacooda war toosa ka helno ayaanay noo suurgelin, markii ay taleefannadooda gacanta naga qaban waayeen ka dib. Hase-yeeshee, ila-wareedyo Xog-ogaal ah, ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey jiritaanka tijaabada bilawga diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.
Ila-wareedyada Wargeyska Himilo soo xogtay, waxay intaas ku dareen in tijaabada shalay la sameeyey, ka dib tijaabooyin kale oo dadweynaha lala wadaagayo toddobaadka dambe laga samayn doono goobo mucayin ah oo gobollada ka mid ah, ka dibna la filayo in si toosa loo guda-galo oo ay si caadi ah uga bilaabanto gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka inta lagu guda-jiro bishan bilawga ah ee September 2015-ka.
Lama oga natiijada tijaabadaas qarsoodiga ah ee ay Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland shalay inay sameyeen la sheegay iyo sababta ay Saxaafadda uga qariyeen tijaabadaas toona. Balse, waxa ila-wareedyadu intaas ku ladheen in guul laga filayo tijaabadaas, waloow aan la caddayn karin sababta tijaabadaas ay Xisbiyada iyo Guddiga doorashooyinku isugu koobeen iyo waxa lagu ogaatay toona. Balse waxa cad oo ay Guddiga doorashooyinku ku fashilmeen Wacyigelinta diiwaangelinta oo ay ahayd inay muddo laba bilood ah socoto ama bacda Ramadaan dalka ka bilaabanto, taasoo ay Guddigu sheegeen inay bilaabantay, balse meel ay ka socoto iyo cod wadda toona aan la arag.
Guddiga doorashooyinka oo Kormeerro qiimayn ah ku maray gobollada dalka Somaliland meelaha ay ka suuragalayso diiwaangelintu iyo meelaha aanay ka suuragalaynin, ayaa sheegay in diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha la soo gebo-gabayn doono bisha December ee sannadkan 2015-ka, iyagoo xusay in deegaanno badan oo la filayay inaanay ka dhici karin ay ka qabsoomi doonto, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhulka Bariga Sanaag qaarkii, Sool, iyo Buuhoodle oo deegaanno ka tirsan ay ka qabsoomi doonto.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment