Thursday, September 3, 2015
“Madaxwaynuhu Awood Uma Laha Inuu Soo Celiyo Go’aan Golle, Dastuurkana Kuma Cada”Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.
Hargeysa August 3,2015(Himilo)-Guddoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sheegay inaanu jirin sharci madaxwaynaha siinaya inuu golaha dib ugu soo celiyo go'aan ay gaadheen.
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa golaha wakiilada dib ugu soo celiyay go’aan ay ku laaleen qorshe xukuumadu ku doonaysay inay wareejiso haamaha kaydka shidaalka.
Golaha wakiilada Somaliland ayaa axadii todobaadkan cod aqlabiyada ku laalay qorshahaasi xukuumadu ku doonaysay wareejinta haamaha shidaalka.
Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in golaha wakiiladu gutay shaqo waajib ku ahayd isla markaana aanay meelna kaga jirin dastuurka in madaxwaynuhu go’aan gole dib usoo celiyo.Mudane Ciro waxaa uu sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee ay arkaan go’aan golle oo madaxwayne dib usoo celiyo, isagoo sheegay in go’aanka goluhu sharci yahay.
Guddoomiyaha Golaha wakiilada oo arimahan ka hadlaya ayaa yidhi “Golaha wakiiladu laba qodob ayuu soo saaraa mid waa xeer oo waa sharci dastuurkaana jideeyay, Madaxwaynuhu xeer waa inuu soo saxeexaa ama soo celiyo 21maalmood, midna waa go’aan golle,go’aanka golaha in madaxwaynuhu soo celin karo iyo inkale dastuurka kuma cada, laakiin caado may ahaan jirin go’aan goluhu gaadhay in madaxwaynuhu soo celiyo.”
Guddoomiye Ciro oo hadalkiisa sii wataana waxaa uu intaasi raaciyay”Arintaasi waxay u baahantahay si sharciga waafaqsan ayuu goluhu uga go’aan qaadan doonaa oo uga jawaabi doonaa, go’aanka goluhu halkan ayaad joogteen qoladiina saxaaafadu waxaan qabaa inuu ku axay si sharciga iyo dastuurka waafaqsan, madaxwaynuhu waxbuu ka qabi karaa, sharciyada aanu u gudbinaba qaar buu dood ka qabaa oo uu yidhaahdaa qodobkaasi kaa ma waaafaqsana, sharci baynu ku wada dhaqanaa markaa sharci ayaa sarayn doona,.”
Guddoomiyaha golaha wakiilada waxaa uu sheegay in wasiirada yidhi go’aanka goluhu sharci maaha ay sumcaddooda wax dhimayso isagoo xusay in sharciga ka waynyahay madaxwaynaha iyo wasiirada isla markaana uu shharcigu guuleysan doono.
“Wasiirka, madaxwaynaha iyo anigaba sharciga ayaa ka sareeya, go’aanka goluhu waa sharci waxay ila tahay hadalka wasiirku yidhi go’aanka goluhu sharci maaha isaga ayay wax u dhimaysaa haduu wax sharciya yidhaahdo sharci maaha.”
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment