Tuesday, October 20, 2015

Dad ka dibed-baxay Naxariis-darro ay Dawladda Australia kula dhaqantay Gabadh Soomaaliyeed oo la faro-xumeeyey

 

Australia, 20 October, 2015-(Himilo) - Dibadbax ballaadhan oo Shalay  ka dhacay magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Australia ayaa lagu taageeray gabadh Soomaaliyeed oo dhawaan lagu fara xumeeyay Xero qoxooti oo ku taala Jaziirrada Nauru ee dalka Australia.

Gabadhan oo lagu magacaabo Abyan ayaa waxaa lagu kufsaday xero ku taalla jasiiradda Nauro, xeradaas oo ah mid ay dowladda Australia geeyaan qaxootiga iyo dadka kale ee magan-galyo doonka ah ee dalkaas gala.

Abyan ayaa toddobaadkii hore la geeyay Cisbitaal ku yaala gudaha dalka Australia si looga soo rido lmaha ay ku qaadday kufsiga, ka dib markii ay ka codsatay xukuumadda Australia isla-markaana cadaadis fara badan la saaray dowladda.

Gabadha Soomaaliyeed ayaa markii laga soo xaaqay ilmaha kufsiga ugu calool galay ayaa markiiba waxa laanta socdaalka ee Australia dib ugu celisay Xerada ku taala Jaziirrada Naura oo markii hore laga qaaday.

Laakiin, Dad badan oo Soomaali ay ku jirto oo ka cadhooday dib u celinta Gabadha ayaa isugu soo baxay xafiiska socdaalka Australia ay ku leedahay magaalada Melbourne; iyagoo gabi ahaanna xannibay albaabka laga soo galayey xafiiskaas.

Dibad-baxayaasha ayaa si xoog leh u muujinayey shucuurtooda iyagoo ku dhawaaqayay Weedho ay ka mid ahaayeen “Ebyan dib ha loo soo celiyo, xeryaha Nauru ha la xidho” iyo hadallo kale oo ay ku dhaleeceynayeen dowladda Australia.

Waxaana dibad-baxan ka hadlay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Melbourne kuwaas oo sheegay inay dibad-baxa uga qayb-qaateen sida ay uga xun yihiin habka naxariis derada ah ee loola dhaqmay Gabadha Soomaaliyeed ee la faraxumeeyay.

Xubnaha u hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Melbourne ayaa dadkii ka qayb-galay dibad-baxaas uga Mahad celiyey sida ay dareenka ugu muujiyeen Gabadhaa dhibaateysan.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment