Saturday, October 3, 2015

Hargeysa: Maayerka Caasimadda oo Amarro adag oo kala duwan soo saaray iyo dhinacyada ay saamaynayaan

Hargeysa, 03 October, 2015-(Himilo)- Maayerka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa soo saaray amarro ku saabsan qorsheyaal Caasimadda Bilicdeeda lagu hagaajinayo oo gebogabo maraya. Waxa uu sheegay in dhawaan magaalada laga dhex saari doono Macdaarrada Baabuurta lagu iibiyo, Xeryaha Jaadka lagu Iibiyo iyo Kaalmaha Shidaalka.

 

 
Maayerku waxa uu Shacbiga ugu baaqay ilaalinta Ishaarooyin muddo dheer ka dib dawladda hoose hirgalisay, waxaanu yidhi; “Waxaa maalmahanba tijaabo ku jira oo sidaad la socoteen aanu dhaqan-gelinnay Ishaarooyinkii, kuwaasoo Khamiistii bilaabmay kuna eeg Arbacada dembe. Wixii ka dembeeyana qofka ishaaro jiidha si toos ah, ayaa loo ganaaxi doonaa oo ay Ciidammada Taraafigu ka hawlgeli doonaan. Ishaarooyinkaas waxaannu ku bilawnay lix isgoys, waxaana toddobadaas cisho aanu eegaynaa wixii farsamo ahaan la arko sida ay waddooyinku u kala muhiimsan yihiin, qofkastaana ra’yigiisa ayuu kasoo dhiiban doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Maayerku, waxaanu intaa ku daray in bulshadu ilaashato ishaarooyinka oo cashuurta laga ururiyay lagu hirgaliyay.

 

 
Sidoo kale, waxaa uu ka hadlay in si ku-meel-gaadh ah loo joojiyey kaalmaha shidaalka ee magaalada dhexdeeda si khaldan looga dhisay, waxaanu sheegay in illaa inta la samaynayo xeerkii kaalmaha ay hakad gelinayaan in kaalmo cusub la furo. “Aqbali maayo foostooyin iyo bar yar in la dhex dhigo magaalada, qof kasta oo ganacsade ah oo samaysan karaana ma jiro, arrintaasna guddi ayaanu u saarnay.” ayuu yidhi Maayer Soltelco.
Duqa Caasimadda Hargeysa waxa uu shaaca ka qaaday in ay Macdaarrada baabuurta u diyaaariyeen dhul gaar ah oo ay dhawaan u rari doonaan, sidaas darteed uu uga digayo dadweynaha in ay guryahooda wajahadaha waddooyinka ku yaalla ay dhalan rogaan kana sameeyaan Macdaarro Baabuurta lagu iibiyo.

 

 

 
Arrimaha kale ee Mr. Soltelco amray waxaa ka mid ah Xerooyin iibinta Jaadka u gaar ah in ay ka samaynayaan darafyada magaalada, isla markaana ay hadda wixii ka dembeeya mamnuucayaan in magaalada gudaheeda lagu iibiyo Jaadka, waxaanu yidhi; “Waxaan u sheegayaa dadweynaha in hadda wixii ka dembeeya aanu mamnuucnay, isla markaana joojinnay in magaalada dhexdeeda lagu iibiyo jaadka, waxaanu jaadlayaasha u hirgelinay afar Xero-jaad oo laga dhisi doono koonayaasha magaalada.”
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment