“Dacawadii baa soo gashatay si ay Adhiga u dhammayso dadka wax Wacdiyaa dharkay soo xidhan jireen oo Khamiis bay soo gashatay!’ Caawa Xisbiyadii aannu siyaasadda hooska tuurka lahayn waxay noo soo gashadeen Khamiiskii Qabyaalad-diidka…” Maayerka Burco
Burco, 03 October, 2015-(Himilo)- Maayerka magaalada Burco Maxamed Muraad, ayaa aflagaaddo kula kacay Kooxda Ololaha la-dagaallanka Qabyaaladda ee uu hoggaamiyo Cabdikariin Axmed Mooge, isla markaana marin-habaabiyo ujeeddada Munaasibad loo qabtay ololaha ka dhanka ah Qabyaaladda oo lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta goboka Togdheer.
Kooxda La-dagaallanka Qabyaaladda ee Somaliland oo uu aasaasay Cabdikariin Axmed Mooge oo ah Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Qorshaynta Qaranka oo xilkaas sheegay inuu isaga casilay hirgelinta ololaha la-dagaallanka Qabyaaladda, ayaa isaga iyo Aqoonyahanno kale oo kooxda ka tirsan Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka magaalada Burco ku casuumeen Burco, ayaa habeen-hore Munaasibad ay ku gudbinayeen Farriintooda lagu qabtay magaaladaas, waxaana Munaasibaddaa hadallo laga xumaaday ka jeediyey Maayerka Burco ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka ee degmadaas Maxamed Muraad.
Maayer Muraad, ayaa sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ah ee ay is-hayaan Xukuumadda ugu soo dhex-duunteen Qabyaalad diidka oo ay u soo xidheen Khamiistkii Qabyaalad diidka, isagoo ula jeeday hadalkaas xubin ka tirsan Kooxda oo sidoo kale ka mid ah Xisbiga WADDANI, halka Cabdikariin iyo Xubno kale ka tirsan yihiin Xisbiga KULMIYE, sidoo kalena ay ku jiraan Kooxda Aqoonyahanno aan Xisbi iyo siyaasad toona ka tirsanayn.
“Wuxu yidhi Dusha ka Summuni hoosta ka saddex gambo, halkan caawa waxa iiga muuqda eesh-qiyaasag Dusha ka sumini, hoosta ka saddex Gambo, Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ee aannu is-haynay, ayaa Qabyaalad-diidkii noogu soo gabbaday baan arkaa. Carabtu waxay ku maahmaahdaa, ‘Dacawadii baa waxay soo gashatay si ay Adhiga u dhammayso dadka wax Wacdiyaa dharkay soo xidhan jireen oo Khamiis bay soo gashatay!’ Caawa Xisbiyadii aannu siyaasadda hooska tuurka lahayn waxay noo soo gashadeen Khamiiskii Qabyaalad-diidka dulmiga ummaddu isku hayso.” Sidaa ayuu yidhi Maayerka magaalada Burco Maxamed Muraad.
Hase-yeeshee, Xildhibaan Cabdi Laki oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka degmada Burco, ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadalka Maayerka ka soo yeedhay, isla markaana uu Martida ka raalli-gelinayo hadalkaas ka soo yeedhay Duqa Burco oo uu sheegay inuu ku guul-darraystay inuu soo dhaweeyo oo uu Casuumo Kooxda la-dagaallanka Qabyaaladda. “Waxaan ka xumahay Maayerku inuu halkan ka hadlo oo uu yidhaahdo innamada waannu ku taageersannahay fikirkaas wacan, marna uu yidhaahdo shaadh baa naloo soo huwaday, dee isagaa Shaadh siyaasadeed noo soo huwaday, Anigu KULMIYE ayaan ahay, Cabdikariin waa KULMIYE.”
“Laakiin, Sheeko Xisbi maannaan wadin ee aafo-qaran baynu ka hadlaynay oo gobol kasta lagaga hadlayaa oo magaalo kasta la geynayaa. Waxay ahayd Maayerku markuu qaban kari waayey kulammadan oo kale, uu sidaas yidhaahdo, waxay ahayd inuu mawduuca fahmo Maayerku. Waan ka xumahay, Martida Sharafta lehna waan ka raalli-gelinayaa, mar haddaannu annagu idin soo casuunnay, annagiina Qaraxu idinkaga yimi, raalli baad naga ahaanaysaan, ajandahana noogumuu jirin, ee innamo Xiisaynaya ayuun baa soo casuumay (Maayer Muraad), raalli ahaada baan idin leeyahay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdi-Laki.
Cabdikariin Axmed Mooge oo ah Hoggaamiyaha Kooxda l-adagaallanka Qabyaaladda oo isagu Ololahayn ka dhanka ah Qabyaaladda bilaabay, ayaa ka jawaabay hadalka Maayer Muraad, waxaanu yidhi; “Anigu Xisbiga KULMIYE ayaan ka mid ahay, cidda iga saaraysa garan maayo anigu. Haddii markaa Barkhad keligii ololaha ku yeesho Mucaarad in Mucaarad lagu tilmaamo ololaha annagana cay bay nagu tahay. Jaamac Muuse Jaamac Aqoonyahankii Ummadda ayaa ka mid ah, Maxamed Cumar oo u olololeeya in dadku sinnaadaan, xoroobaan, in markaa la yidhaahqo qof qodhaa Mucaarad ka dhigaya xaaraan weeye. Barkhad noolama joogo isagoo ma’baaddii WADDANI ah sida, wuxu nagula joogaa isagoo doonaya sinnaansho, caddaalad iyo dadka Somaliland inay isku mid ahaadaan.”
Waxa uu sheegay Cabdikariin Axmed Mooge in sababta ay wakhtigan u tageen Burco tahay inay Burco tahay meel foolaad u ah dalka Somaliland, isla markaana ay ku nool yihiin badi dadka inta dareenka leh ee wax beddeli kara, sidoo kalena hadday Burco qabyaaladda diiddo Somaliland oo dhami diidi karto, hadday Burco qaybaaladda ka ololayso Somaliland oo dhami ka ololayn doonto, sidaa awgeed ay u doorteen muhiimadda gaarka ah ee ay leedahay Burco ee aanay u dooran in Burco tahay meel qabyaaladdu ku badan tahay.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment