Saturday, October 24, 2015
“Madaxweyne Siilaanyo haddii uu cid raacaayo aniga (Musharrax Kijaandhe), ayuu I raaci lahaa, laakiin..”
Madaxtooyada iyo Musharrax Kijaandhe maxay ka yidhaahdeen Taageero la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo u muujiyey Musharrax Muuse Biixi?
Hargeysa, 24 October, 2015-(Himilo)- Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo ka mid ah Musharrixiinta shaaciyey inay u tartamayaan jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadlay warar habeen-hore iyo shalay Saxaafadda qaarkeed baahisay oo sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo taageero hiil iyo hooba leh u ballan-qaaday Musharrax Muuse Biixi Cabdi oo isna jagadaas u sharraxan oo isaga iyo Koox Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE iyo Odayaal taageersani la sheegay inay u wada tageen Madaxweynaha.
Hase-yeeshee, Musharrax Kijaandhe waxa uu sheegay inuu aamminsan yahay in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo aanu Musharrax gaar ah taageeraynin ee Mawqifkiisu yahay sida uu horeba u sheegay inuu dhex-dhexaad u noqonayo Musharrixiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE ee la kala dooran doono marka la gaadho Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas tobanka bisha 11-aad ee foodda innagu soo haysa.
Waxaanu sheegay haddii Madaxweyne Siilaanyo Musharrax taageeri lahaa inuu Kijaandhe ahaan taageeri lahaa.Waxa uu Musharrax Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) sidaas ku sheegay War-Saxaafadeed Qoraal ah oo uu xalay ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaasoo u qornaa sidan:-
“Waxaan Madaxweynaha uga mahad-celinayaa mawqifkiisa ku waajahan dhex-dhexaadnimada uu u yahay Musharraxiinta ku tartamaaya jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa. Marnaba wararka ku-tidhi-ku-teenka ah ee sheegaaya in Madaxweynuhu cid taageeray, shaqsiyan ma aamminsani, fikirka aan Madaxtooyada ka qabana wax-ba ka beddeli mayso, waxaanan qabaa inaanu Madaxweynuhu marnaba kala raacayn Murrashaxiinta KULMIYE.Dhaqankii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo looga bartay-na maaha, haddii uu cid raacaayo aniga (Musharrax Kijaandhe), ayuu I raaci lahaa. Laakiin, dooni maayo inuu cid-na godob ka galo. Mar labaad Madaxweynaha waan ku bogaadinayaa mawqifkiisa dhexdhexaadnimada ah ee uu ka istaagay Musharraxiinta KULMIYE, waana wax taariikhda geli doonta haddii rabbi idmo.”Sidoo kale, Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo la hadlay shalay Gudgudenews, ayaa sheegay inaanu jirin Musharrax uu si gaar ah u taageeray ama u taageersan yahay Madaxweynaha Somaliland, balse uu dhex u yahay Musharrixiinta KULMIYE, isla markaana si dimuquraaddi ah loogu tartami doono shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee u muddaysan tobanka November sannadkan 2015-ka.
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
No comments:
Post a Comment