
Saado Mire oo dhalsho ahaan ka soo jeedda Somaliland, balse haysata Baasaabboorka waddanka Sweden, ayaa sheegtay in Aasaarta kala duwan ee laga helay deegaanka Laasgeel u muuqdaan kuwa ugu muhiimsan, uguna qurux-badan ee wakhtigan laga arko Geeska Afrika.
“Ujeeddada aan ugu soo laabtay Somaliland waa inaan horseedo ogaanshaha caalamka ee Aasaartan qadiimiga ah, oo markii ugu horraysay ay ibo-fureen baadhayaal Faransiis ah 2002-kii. Uma wado hawshan inaan helo Aasaar oo magacayga ku calaamadiyo.” Sidaa ayey tidhi Saado Mire.
Waxaanay intaas ku sii dartay oo ay tidhi; “Xilligan xarun lagu keydiyey Raadadka Aasaar kala duwan ayaa jirta, balse qorshahaygu waa inaan Laas-geel ka dhigo goobaha ugu waaweyn ee Dalxiisayaashu Afrika u yimaaddaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment