Saturday, October 3, 2015
Shan Gabdhood oo Qaraxyo is-miidaamin ah ka fuliyey Masjid dalka Nigeria iyo Khasaaraha ka dhashay
Maiduguri, 03 October, 2015-(Himilo)- 14-qof oo ay ku jiraan koox Gabdho ah oo is-qarxiyay, ayaa ku dhintay, 39 Ruux oo kalena way dhaawacmeen, ka dib Qaraxyo ka dhacay magaalada Maiduguri ee dalka Nigeira, sida laga soo xigtay Saraakiisha Ammaanka dalkaas.
Gabdhahan weerarka Qaraxyada ah geystay, ayaa la sheegay inay ahaayeen shan Gabdhood iyagoo weerareen Masjid ku yaalla magaaladaas iyo Guriga Hoggaamiye Dhaqameedka Maiduguri, iyadoo la sheegay in gabadhahan yar-yar loo maleynayo inay soo Adeegsadeen Kooxda Boko Haram ee ka dagaallanta dalkaas.
Sidoo kale, 100-qof ayaa ku dhintay qaraxyo noocan oo kale ah oo ka dhacay Magaaladaas laba toddobaad ka hor, kuwaasoo mas’uuliyadooda ay sheegatay kooxda Boko Haram oo dagaal kula jirta Dowladda Nigeria.
Magaalada Maiduguri oo ku Taalla Waqooyi-Bari Nirigeria, ayaa ahayd xarun ay awood ku leedahay kooxda Boko Haram lixdii sano ee ugu horreysay markii ay dalkaas ka billaabeen weerarrada is-daba-joogga ah.
Tan iyo markii xilka loo dhaariyay Madaxweynaha cusub ee Nigeria Muhammadu Buhari Bishii May ee Sannadkan, ayaa la sheegay in Boko Haram ay 17,000 Ruux ay dishay weerarro kala duwan oo ay dalkaas ka geysatay. Weriye ka tirsan BBC-da, ayaa sheegay in weerarkan ay geysteen Gabdhahan uu dhacay xilli ay dadka magaaladaas isku diyaarinayeen fiidnimadii xalay inay Tukadaan Salaaddii Maqrib.
Sarkaal ka tirsan dawladda Nigeria, ayaa Warbaahinta u sheegay in laga yaabo inay sare u kacdo khasaaraha ka dhashay Qaraxyada ay sare u kici karto, Ilo-wareedyo kale, ayaa iyana sheegay in Gabdhaha Qaraxyadan Is-miidaaminta ah geystay ay ku jireen kuwo da'doodu ay ahayd sagaal sano jir.
Weriyeyaal ku sugan Nigeria, ayaa iyagana sheegay in Gabdhahaan Qaraxyada ka geystay Maiduguri oo ah xarunta gobolka Borno ee dalka Nigiera ay soo galeen magaalada iyagoo u socday sidii hablo aroos galbinaya. Bishii Juun ee Sannadkan, ayaa Saldhigyo Millateriga dalkaas ay ku lahaayeen magaaladaas laga raray, iyadoo Buhari uu sheegay inuu qaab ka duwan sidii hore ula dagaallami doono Kooxda Boko Haram.
Badhtamihii Sannadkan ayay Saraakiisha Ciidammada Nigeria waxay Sheegeen inay xoog uga soo furteen Boko Haram qaar ka mid ah Gabdho ay sannadkii lasoo dhaafay Afduubeen; isla markaana ay kooxda ka saareen deegaanno badan oo dalkaas ka tirsan.
Weerarkan ayaa imanaya Xilli Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari uu Wacad ku maray markii Xilka loo dhaarinayey inuu soo Af-jarayo Kooxda Boko Haram oo tan iyo sannadkii 2009-kii ka waday dalkaas Weerarro iyo qaraxyo khasaare naf iyo maalba leh geystay.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment