Tuesday, October 20, 2015

Shirkadaha lagu wareejiyey Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo Guriga Maareeyihii joogay Laydhka ka jaray iyo tirada Shaqaale ay Eryeen

 

“Haa, Laydhka way iga jareen. Ma garan karo way ila ficiltamayaan uun…. Aniga Xilba la igama qaadin, ma jiro xil la iga qaaday ee qoladii shirkadaha ayuun baa lagu wareejiyey..” Maareeyihii Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali – Waraysi Gaar Ah

Berbera, 20 October, 2015-(Himilo)- Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera ee ay Xukuumadda Somaliland Axaddii sida rasmiga ah ugu wareejisay Shirkado Ganacsi oo gaar loo leeyahay Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa sheegey inaanu jirin wax xil ah oo laga qaaday, hase-yeeshee uu hirgeliyey heshiiska ay Xukuumaddu Shirkadaha la gashay ee wareejinta Maamulka iyo Gacan-ku-haynta Kaydka Shidaalka.

Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo xalay Khadka Taleefanka Bahda Wargeyska Himilo wax kaga weydiisay Laydhka ama Korontada Guriga uu ka degganaa xarunta Haamaha Kaydka ee Berbera oo Laydhka laga jaray xalay ahaan iyo hawsha wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka, ayaa caddeeyey in Laydhkaas laga jaray iyo sababta looga jaray, waxaanu ku jawaabay; “Haa, Laydhka way iga jareen. Ma garan karo way ila ficiltamayaan uun.”

Sidoo kale, mar uu ka jawaabayey Saleebaan inay jiraan Shaqaalihii Haamaha ee uu Maamuli jiray in Tiro ka tirsan Shaqada ay ka eryeen qolada Shirkadaha ee Haamaha lagu wareejiyey, waxa uu yidhi; “Way jirtaan, toddoba shaqaale ah, ayaa la eryey. Way doonayeen marka hore inay shaqaalaha wada eryaan, laakiin immika toddoba qof ayaa la eryey.”

“Lacagtu Lacag dayn ah oo meeshu gashay may ahayn, ee waa Lacag Hal Milyan iyo Badh ah oo dhismayaasha socda lagu wado, wax cayiman oo Salaama Bank laga sii qaaday bay ahayd oo Madaxweynaha iyo dawladduba ogeyd, saddexdii Taangina mid waa la dhammaystiray, labana waa socdaan.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Saleebaan Siciid Cali, waxaanu intaas ku daray oo uu Himilo u sheegay in Warqad caddaynaysa Daynta Mashaariicda horumarineed ee Haamaha ay Shirkaduhu la wareegeen, isla markaana la raaciyey Warqad lagu caddaynayo inay Lacagta horumarinta ah ka bixiyaan dayntaas.

Maareeyihii Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid oo aannu weydiinnay maaddaama oo uu markii hore Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo Digreeto Madaxweyne xilka ugu magacaabay cidda hadda ka qaadday, waxa uu ku jawaabay; “Aniga Xilba la igama qaadin, ma jiro xil la iga qaaday ee qoladii shirkadaha ayuun baa lagu wareejiyey, laakiin wax xil ah oo la igala wareegay oo Masuul la soo magacaabay igala wareegay ma jiro, Warbaahinta qaar baa qoray Maareeyaha cusub oo Maareeyihii hore xilka kala wareegay.”

“Laakiin, wax xil ah oo la iga qaaday iyo xil la igala wareegay ma jiro, ee Qolada Shirkadaha ayaa saddex nin oo Guddi ah oo ay samaysteen, ayaannu annagu Xukuumad ahaan ku wareejinnay shaqada, markii dambena Cumputerradii iyo wixii ayey Nin yidhaahdeen waa noo qaabbilsan yahay oo ay Warqad qorteen. Hase-yeeshee, annagu Xukuumad ahaan annaga oo metelayna oo fulinayna heshiiska ay Xukuumadda ayaannu Shirkadaha ku wareejinnay.” Sidaa ayuu yidhi Maareeyihii Haamaha la wareejiyey ee Kaydka Shidaalka Berbera.

Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo ka jawaabayey .Su’aal aan ka weydiinnay waxa isaga doorkiisu wakhtigan yahay iyo shaqada uu qabanayo, waxa uu yidhi; “Anigu hadda wax shaqo ah kama hayo, oo Haamaha gaar baa laga dhigay oo Shirkado gaar ah ayaa lagu wareejiyey, markaa kol haddii cid gaar ah lagu wareejiyey ciddaas baa Maamulanaysa, laakiin waa laga yaabaa inaan shaqo uun qabto waxay noqotaba.”

Inkasta oo Wargeyska Himilo ahaan aannu isku daynay inaannu dhinacooda wax ka weydiinno tallaabooyinka ay maalintii koowaad ee ay gacanta ku hayeen Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaalada Berbera oo shalay ahayd oo ay Shaqaale ka hawlgalayey Haamaha shaqada ka eryeen iyo Laydhka ay Maareeyaha lagala wareegay Haamaha laga jaray, haddana noomay suuragelin inaannu cid su’aashaa nooga jawaabta ka helno.  Hase-yeeshee, waxay ila-wareedyo Himilo helay tibaaxayaan in Shaqaale intaas ka badan la eryi doono maalmaha soo socda.

Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim Yuusuf oo shalay la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in Xukuumaddu Axaddii si rasmi ah ugu wareejisay Maamulka iyo Gacan-ku-haynta Haamaha Kaydka Shidaalka oo uu xusay inay Wasaaradda Ganacsiga oo Xukuumadda metelaysaa ka kiraysay muddo labaatan sannadood ah, inkasta oo aanu sheegin xaddiga Lacagta lagaga kireeyey.

Waxa uu Wasiir Qaasim ku dooday in Wasaaradda Ganacsigu yeelanayso awoodda kaantarroolka iyo hubinta Tayada Shidaalka ay Shirkadahaas oo hore-ba dalka u keeni jiray Shidaalka ay keeni doonaan, sida uu heshiisku dhigayo sida uu sheegay Wasiirku. Hase-yeeshee, Heshiiskaas, waxaa hore u laalay Aqlabiyadda Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, inkastoo Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Wakiillada, haddana Golahaasi ma aqbalin oo kama laaban go’aanka ay ku laaleen Heshiiskaas oo ay ku tilmaameen mid aan dalka iyo dadka toona dani ugu jirin.

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment