Thursday, October 1, 2015
Wasaarada Ciyaaraha Oo Shaacisay Wakhtiga La Qabanayo Ciyaaraha Gobolada, Fariina U Dirtay Gobolada Ka Qaybgalaya.
Hargeysa 1 October ,2015(Himilo)-Wasaarada Dhalinyarada Iyo ciyaaraha Somaliland ayaa maanta si rasmiya u shaacisay in 5 bishan la bilaabi doono Tartanka Ciyaaraha Gobolada Dalka.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin ayaa sheegay in ciyaaraha gobolada Somaliland ay shanta bishan si toosa uga bilaabmi doonaan Magaalooyinka Burco iyo Boorama oo hore loogu asteeyay inay ciyaaraha goboladu ka bilaabmaan.
“Waxaanu hore u balanqaadnay in ciyaaruhu ay dhici doonaan 5 October , maanta waa kow bishu, sidii loogu talogalay ayay u dhacayaan, awal sababihii dib loogu dhigay horaa loo sheegay, maanta Bisha 5teeda Burco Iyo Boorama Way ka bilaabmayaan.”Ayuu Yidhi Wasiirka Ciyaaraha Somaliland.
Wasiirka ciyaaruhu waxaa uu fariin u diray gobolada ka qayb galaya tartanka inay bisha afarteeda ku yimaadaan magaalooyinka ay ku ciyaarayaan ee Boorama Iyo Burco, isagoo baaq u diray daneeyayaasha ciyaaraha gobolada si ay dhaqaale ugu caawiyaan tartanka ciyaaraha Gobolada Somaliland.
“Dhamaan waxaanu faraynaa ciyaartoyda Gobolada inay bisha shanteeda kusoo dhamaadaan, 14ka gobolba waxaanu leenahay midkastaaba halkii loo asteeyay inuu yimaado bisha afarteeda, 5 teedana inay ciyaaruhu bilaabmaan. Cidkasta oo arimahaasi danaynaysa, shirkadaha, ganacsatada, haayadaha iyo qolooyinka dibadaha ee ciyaarahaasi wax ku taraysa, hakusoo hagaajiyaan wasiirka wasaarada Ciyaaraha, Saxaafadana waxaanu leenahay kuwa dibadaba waad xayisiisaan ee kuwana xayisiiya”Ayuu Yidhi Wasiirka Ciyaaraha Somaliland.”Ayuu Yidhi Wasiirka Ciyaaraha Somaliland.
Tartanka Ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa hore u mudo dhaafay iyadoo lagu wado inay si rasmiya uga furmaan shanta bishan magaaloyinka Burco Iyo Boorama.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment