Monday, October 19, 2015

Xukuumada oo Si Rasmiya u Shaacisay in La Wareejiyay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera.

 

Hargeysa (Himilo)-Wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland ayaa maanta rasmi ah  shaaca uga qaaday in haamaha kaydka shidaalka ee Berbara lagu wareejiyay  lix shirkadood oo gaar loo leeyahay islamarkaana xukuumadu ay ka kireysay mudo Labaatan Sano ah.

 

Wasiirka wasaarada Ganacsiga Dr Muuse Qaasim oo wareysi kooban siiyay BBCda  waxaa uu sheegay in xukuumadu haamaha shidaalka ka kireysay lix shirkadood oo hore u keeni jiray shidaalka, isagoo xusay In awooda kaantaroolka iyo hubinta tayada shidaalka soo galeya dalka ay masuul ka tahay wasaarada Ganacsiga Somaliland.

Haamaha Kaydka Shidaalka ayaa waxaa shalay si rasmiya loogu wareejiyay shirkado gaara iyadoo lagu wado in shirkadahaasi dayactiri doonaan haamaha kaydka shidaalka oo dayacbadani ka muuqdo.

 

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment