Waa qormo daaha ka feydaysa waayaha iyo duruufaha adag ee ku gadaaman dhalinyarada reer somaliland.
Waa dhalinyaro u qaybsantay qaar tahriibay, qaar ku hamiyaya iyo qaar ka dhursugaya oo leh barri bay dhaami ee samra oo anigu aan ka kow ahay.
Waa dhalinyaro wakhtiga iyo waayuhu ay gabeen oo aanay jirin cid haba yaraatee ay u tirsanyihiin,oo cid waliba markay dan ka leeyihiin uun ku danaysataan, marka hadafkii ay ka lahaayeen gaadhaana ay iskaba ilaawaan tusaale waxa inoogu filan xukuumada hadda dalka ka talisa waan ognahay in dhalinyaradu ay yihiin kuwa halka ay maanta joogto soo gaadhsiiyay,waxa la yaab leh sidii ay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne siilaanyo ay markay ololaha ku jirtay uga dhawaajin jirtay inay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan dhalinyarada reer somaliland, islamarkaana ay siin doonaan ahmiyada koowaad iyo siday hadda markay kursigii ku gaadheen ay dhinaca iskaga dhigtay iyadoo ku mashquusan isku shaandhayn,mucaarid u jawaabid iyo arrimo kale oo aan macno weyn ku fadhiyin.
Waxaan indhaha laga qarsan karin in shaqo yaraani ka jirto dalkeena islamarkaana ay yaryihiin fursadaha shaqo ee wadanku, halka ay marba marka kasii danbaysa dhalinta bilaa camalka ah ee jaamacadaha kasoo baxayaana ay sii badanayaan, runtii waa arrin weyn oo u baahan in cid kasta oo caqli lihi ay ka fikirto oo ay ugu horeyso xukuumadda ay xilka u caleemo saarteen.
Waa waajib saaran xukuumada inay had iyo jeer ka fikirto sidii ay u samayn lahayd siyaasad iyo istaratiijiyad shaqo abuur laakiin waxa nasiib daro ah in aanay xukuumadu arrinkaa warba ka hayn.
Caqabadaha ugu waawayn ee dhalinyarada soo food saara wakhtiga ay shaqo doonka yihiin waxa kow ka ah cadaalad daro aan geed loogu soo gaban oo si badheedh iyo ula kac loogu kala xusho dhalinyardara.
Marka hore waxa adagba siday dhalinyaradu u ogaadaan hadba shaqooyinka banaan gaar ahaan shaqooyinka dawlada ka banaan,waayo wasiirada iyo inta ku dhaw dhaw uun baa hoos u kala goosta.
Waxaana 24 sanadood ka dib nasiib daro ah in aanay somaliland wali lahayn meel loogu soo hagaago hadba shaqada banaan si ay dhalinyaradu ula socdaan taasina waa ta u sahashay in la musuqmaasuqo shaqooyinka, shaqada ka dhigatay ee ilaaway xilkii ay umadda u hayeen inay siday doonaan ugu tagri falaan shaqooyinka umadda somaliland ka dhexeeeya ciday doonaana siiyaan.
Waxa jirta in dawladu labadii sanadood ee ugu danbeeyay 2013 iyo 2014 ku dhawaaqday inay qaadanayso shaqaale badan oo ah ardayda jaamiciyiinta ah ee bilaa shaqada ah si ay shaqo u helaan ugana tanaasulaan tahriibka.
Sandkii 2013 waxy dawladu ku dhawaaqday in la shaqaalaysiin doono shaqaale dhan 1300 oo shaqaale laakiin waxa wali aan jawaab loo hayn goorta waxaasoo shaqaale ah la shaqaalaysiiyay waxa kali ah ee la arkay dhawr boqol oo arday oo imtixaan u galay wasaarada maaliyada hargeysa iyo burco intii kale meeshay martay ilaahaw ha ina marin,ma intaas oo kali ah bay dawladu shaqaalaysiisay oo inta kale af gobaadsi bay ahayd si dhalinyaradu wadanka u aaminaan mise mijilisyada hoose ee dawlada ayaa lagu kala goostay oo inta xayndaabka dawlada ku jirta ayaa 4.5 ku qaybsaday mise......
No comments:
Post a Comment